4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2016
PUNTLAND: Booliska Gaalkacyo oo amarro Adag ku soo rogay xoogsatada magaalada

/images/2016/Dec/
Arbaco, December, 14, 2016 (HOL) -Taliska ciidamada booliska gobolka Mudug ayaa amarro ku soo rogay xoogsatada magaalada Gaalkacyo , waxaana lagu war-galiyay in ay iska soo diiwaan-galiyaan saldhig-ga magaalada si loola socdo dhaq-dhaqaaqyadooda.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Cabduwaaxid Cabdullle Warsame oo shir kooban qabtay ayaa sheegay in xoogsatada ku nool lala socon doono xaalad-dooda ,isaga oo tilmaamay in arintani ay muhiim u tahay amniga gobolka Mudug.

“Dadkii aan la hadalnay ee aan ku niri waxaan doonaynaa in aan shaqaalihiina barano waa ay inoo yimaadaan ,waxaa ku jiraa shaqaalaha Hoteelada, Iskuulada , maqaaxiyaha iyo macliimiinta ka shaqeeya dugsiyada Qur’aanka ,muhiimad-dana waa in lala socdo xaald-dooda” ayuu yiri taliyaha oo la hadlay warbaahinta gobolka.

“Qorshahan waxaa loogu tala-galay in lagu xaqiijiyo amniga ,isla markaana lagula dagaalamo danbiilayaasha, waxaana amaradan ay qayb-ka yihiin kuwa aan horey u soo saarnay “ ayuu mar kale yiri taliye Warsame oo codsaday in lala shaqeeyo laamaha amniga.

Dadkan lagu soo rogay amarka sidoo kale waxaa ku jira tagsiilayaasha , cadaylayaasha , kabarlayaasha iyo waliba xoogsatada yar-yar ee magaalada ku nool ,waxaana uu taliyaha sheegay in cid-dii aan booliska iska soo diiwaan-galin ay wajihi karto ganaax.

“Xalay waxaa dhacay howl-galo lagu soo qab-qabtay danbiilayaal badan oo ay ku jiraan dhalinyaro anshaxumo lagu soo eedeeyay “ ayaa kamid ah hadalada taliyaha oo xusay in hadda baaritaan lagu hayo dadkii lagu soo qab-qabtay howl-galadaas.

Ugu danbayn, Magaalada Gaalkacyo oo ku taala bartamaha Somalia ayaa u kala qaybsan laba maamul ,waxaana bishii la soo dhaafay ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Puntland iyo Gal-Mudug ,kaasi oo barakaciyay kumanaan qoys.

Faysal M. Hassan
[email protected]