4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 14, 2016
Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay inay Xayiraad kusoo Rogtay Isticmaalka Baraha Internet-ka


Arbaco, December 14, 2016 (HOL) Warbixin ay soo saartay, Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, ayaa lagu sheegay in Dowladda Itoobiya ay si Sharci-darro ah Xannibaad uGu soo rogtay Internet-ka iyo Baraha Bulshadu ay ku Xiriirto, taasoo at uga gol-lahayd inay soo af-jarto Dibadbax ka dhan ah Xukuumadda Addis Ababa oo in ka badan hal sano socday.

Adeegga Internet-ka, ayaa si aad ah looga Xaddiday dalkaasi tan iyo markii ay Mudaaharaadyadu ka billowdeen bishii November ee 2015-kii, markaasoo xukuumaddu ay isku dayday inay ballaariso xarunta dalkaas ee Addis Ababa.

Sidoo kale, Dowladda Itoobiya, ayaa ku dhawaaqday Xaalad deg-deg ah bishii Oktoobar ee sannadkan, iyagoo ku eedeeyay dadka baraha bulshada wax ku qora ee Qurbo-joogta ah iyo Warbaahinta in ay sii huriyeen Dibadbaxyada, taasoo sababtay Dhimashada 500-qof.

Hay'adda Amnesty ayaa Warbixinteeda ku sheegtay in tan iyo bilihii Juun iyo Oktoobar ee sanadkan 2016-ka, la Xannibay Baraha Xiriirka bulshada ee sida; WhatsApp-ka, Facebook-ga iyo ugu yaraan 16 ka mid ah Bogagga Intarneed-ka ee wax lagu qoro.

Dhanka kale, Adeegga internet-ka ee Taleefoonnada Gacanta oo ay xayiraad saarnayd tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkan, ayaa hadda xayiraaddii laga qaaday, laakiinse wali ma fududa isticmaalo baraha xiriirka bulshada.

Warbixinta, ayaa waxaa lagu xusay in xayiraadda la xayiray intarnet-ka looga gol-leeyahay inaan lasoo tabinin wararka ku saabsan Hawl-gallada ciidamada ammaanka ay ku qaadayeen Dadka Dibad-baxya; xilli ay dalkaas ka jireen Mowjadaha dibadbaxyada ah tan iyo bishii November ee Sannadkii hore.

Mudaaharaadyadii ugu waaweynaa ayaa ka dhacay gobollada Oromo iyo Amhara oo ah labada gobol ee ugu waaweyn uguna shacbiyada badan guud ahaan dalka Itoobiya.

Amnesty international ayaa sheegtay in Xukuumadda Addis Ababa ay sidoo kale aad isha ugu haysay oo ay kormeereysay Shacabka inta badan Isticmaalaya internet-ka.

Dhanka kale, Dowladda Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay warbixintan kasoo baxday Amnesty, waxayna sheegtay in waajibaad uu ka saaran yahay inay shacabkeeda ka badbaadiso in laga dhex-abuuro dhibaato laga dhex abuuro.

Warbixin dhawaan ay soo saartay Hay'ad lagu Magacaabo, Brookings Institution oo fadhigeedu yahay Dalka Mareykanka, ayaa lagu xusay in dowladda Itoobiya ay luminayso Malaayiin doollar, sababo la xiriira xaryiraadda Internet-ka oo si guud u saameeyay ganacsiga dalkaasi.

Ugu dambeyn, 11,000-qof oo ay ku jiraan weriyeyaal, shakhsiyaadka wax ku qora internet-ka iyo siyaasiin caan ah ayaa xabsiga la dhigay tan iyo markii Dalkaas looga dhawaaqay Xaaladda Deg-degga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya