4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 14, 2016
Maraykanka oo sheegtay inay Xadidayo Hubka uu ka iibiso Boqortooyada Sucuudiga Carabiya


Arbaco, December 14, 2016 (HOL) Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay Xaddidayso hubka ay ka iibiso Dowladda Sucuudi Carabiya, iyadoo Walaac xooggan laga qabo Dhibaatooyinka Gaaraya shacabka Yemen ee lala xiriirinayo duqaymaha dhanka Cirka ah ee ka socda Waddanka Yemen.

Saraakaal sare oo u hadlay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay inaysan xukuumadda Sacuudiga u diri doonin hubka meelaha fog laga hago.

Maamulka Obama, ayaa sheegay inay ka walaacsan yahay duqeynta khaladaadku ay ka dhashaan ee ee Yemen lagu hayo, taasoo ay dad badan oo reer Yemen ah ku dhinteen.

Afhayeen u hadlay Guddiga Qaran ee Ammaanka Maraykanka ayaa ku daray hadalkiisa in iskaashiga dhanka amniga ah ee ay Sucuudiga la leeyihiin aysan ka dhignayn isla-xisaabtan la'aan.

Dhanka kale, bishii Oktoobar ee Sanadkan 2016-ka, ayaa in ka badan 140 qof lagu dilay duqayn cirka ah oo lagu bar-tilmaameedsaday dad Aas ka Qayb-galayay oo ku sugnaa Yemen.

Ugu dambeyn, Weeraradan ayaa lagu eedeeyay Xulafo uu Sacuudigu Hoggaaminayo oo isku dayaya inay taageeraan Dawladda la doortay ee waddanka Yemen oo la dagaallamaysa Jabhadaha Xuutiyiinta ah oo ay dowladda Iiraan taageero.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya