4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2016
C/raxmaan Faroole'' Kulankeena waxaan uga wadda -hadalnay arrimaha doorashada oo kaliya


Arbaco, December, 14, 2016 (HOL)-  Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Max'ed Max'uud Faroole, ayaa mariii ugu horeysay ka hadlay kulan magaalada Garoowe ku dhaxmaray isaga, madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, Ra'iisal wasaare Sharm'arke iyo siyaasiga C/risaaq Jurile.

Kulanka oo ahaa mid saaxafada aan loo ogalaan oo ay dibad joog ka ahaayeen, ayaa wax markii danbe wax laga weydiiyay C/raxmaan Max'ed Max'uud Faroole oo qeyb ka ahaa kulanka, isaga oo sheegay in uu ahaa kulan wadda tashi ah oo kaliya.

'' Kulanka waxaa uu ahaa mid aan isku wareysanay oo wadda tashi ahaa'' waad og-tihiin waxaa oo dhamaatay doorashadii xubnaha labada aqal ee dowlad gobolleedka Puntland iyo inta badan dalka, siddaa daraadeed waxaa ka wadda hadalnay ariamaha doorashada iyo wax nooga aadan''ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Waxaa uu waxba kama jiraan ku sheegay warar soo baxay oo sheegaya in uu Cumar C/rashiid uu uga tanaasulay musharaxnimadii xilka madaxweynaha Soomaaliya.

''Waxaas waa waxba kama jiraan warbaahinta ayaan ka maqlay oo kaliya, uma diyaar garoobin in aan tanaasulo, musharixiinta reer Puntland waa ay badan yihiin, anniga iyo Sharm'arke oo kaliya ma'aha '' ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Ugu danbeyntii, kulanka oo ahaa mid siyaasadeed ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay siweyn looga hadlayay qeybo ka mid ah dalka,madaama maalmo kooban naga xigaan waqtiga loo qabtay doorashada madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya