4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2016
Nabad sugida Soomaliya oo qabtay Jawaanno Khamri ah kaddib howlgal ay ka sameeyeen Muqdisho

Arbaco, December, 14. 2016 (HOL) - Saraakiisha hay'addaha nabad-sugida Qaranka  ayaa soo bandhigtay jawaano ay ku jiraan khamri badan, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidammada ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Saraakiisha hay'adda nabad-sugida oo ka warbixiyay khamriga iyo soo qabteen ayaa sheegay in a ka soo saareen bakhaaro lagu keydiyay oo ku yaalla degmada Warta Nabad Ex Wardhiiglye.

Ku dhawaad 74 jawaan oo ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga ayaa laga soo saaray bakhaarka ku yaala degmada Warta Nabbada, waxaana saraakiisha ay sheegeen iney wax ka qaban doonaan dadkii khamriga lahaa.

Saraakiisha u hadashay nabad sugida ayaa sheegay in maandooriyaha khamriga uu kamid yahay waxyaabaha dhibaatada amni darada magaalada Muqdisho ka qeyb qaata, balse ma jirin dadkii khamriga lahaa oo lasoo bandhigay.

Ugu danbeyntii, saraakiisha ayaa sheegay in ay sidoo kale bartilmaameyd ka dhigan doonaan goobaha kale ee lagu iibiyo khamriga ee ku yaala magaalada Muqdisho,  ayna ka hortagi doonaan waxyaabaha maanka dooriyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya