4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 14, 2016
Abaaro ka taagan qeybo badan oo Soomaaliya ah

Arbaco, Diseembar 14, 2016 [HOL]-Qeybo badan oo Soomaaliya ah ayaa waxaa ka taagan wali abaaro ba'an.

Roobabkii ayaa qeybo badan aan ka da'in, qeybo badan oo Soomaaliya ah ayadoo xiliyadii roobka ee lasoo dhaafayna ay aad u yaraayeen roobabkii ka hooray qeybo badan oo dalka ka tirsan.

Haatan ayaa waxaa masuuliyiinta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ka deyrinayaan xaalada dadka iyo duunyada qeybo badan oo goboladaa ah. Waxay sheegeen abaaro halkaa ka jira dartood xaalada dadka iyo duunyadu inay tahay mid halis ah.

Waxaa jira baaqyo lagu doonayo gurmad degdeg ah oo dalka gudihiisa ah ayadoo sidoo kalena baaq loo diray hayadaha caalamiga ah ee samafalka si xaalada baniaadminimo wax looga qabto.

Dhawaan ayaa sidoo kale qeylo dhaan ay ka timid gobolka Bakool oo deegaanada Caato iyo Tiyeglow oo ka tirsan ay abaaro saameeyeen.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]