4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 14, 2016
29 jir $500,000 ka shaqeeyay miraha loo yaqaan Cashews dalka Tanzania

Arbaco, Diseembar 14, 2016 (HOL)-Sida jariirada tujaarta wax ka qorta ee Forbes ay soo daabacday, Fahad Cawad oo Tanzanian ah ayaa ka shaqeeyay $500,000 miraha loo yaqaan cashews dalkaasi Tanzania.

Cashews waxay shabahaan lowska beeraley badan ayaana beerta dalkaasi Tanzania. Tanzania ayaa laga soo saaraa ilaa 200 oo kun oo tan oo cashews ah sanad kasta.

Dalkaa ayaa cashwes-ka laga soo saaro loo garawsaday inay yihiin nooca ugu wacan tayo ahaan caalamka oo idil.

Dhawaan ayaa Fahad uu kasoo laabtay Canada si uu ganacsigaa u galo asagoo warshad warshadeysa mirahaa ka sameeyay Tanzania.

Waa un 29 sano jir laakiin durba guushaa ayuu soo hooyay. Warshadiisa ayaa lagu magacaabaa YYTZ Agro-Processing.

Warshadaa ayuu Fahad gaar ahaan ka dhisay jaziirada Zanzibar oo ka tirsan midowga jamhuuriyada Tanzania ayadoo sanad kasta warshadaasi soo saari karto 2,500 oo tan oo cashews warshadeysan ah.

YYTZ Agro-Processing ayaa sidoo kale farac ku leh Mtwara, oo ah koofurta Tanzania.

Yaraantiisii ayaa Fahad lasoo baray xisaabaadka, suuq geynta badeecooyinka, guud aahaan culuumta la xiriirta ganacsiga iyo tiknolojiyada.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]