4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2016
Madaxweyne Xassan oo booqday safaarada imaaraadka carabta ee Muqdisho


Talaado, December, 13, 2016 (HOL) - Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheekh Max'uud ayaa galabta booqasho ku tagay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho iyo isbitaalka Sheekh Zaa’id oo ku dhow Safaaradda.

Booqashada Madaxweynaha oo aan horay looga sii warqabin ayaa lagu sheegay in ay aheyd oo kaliya in uu u kuurgalayay madaxweynaha howlaha safaarada iyo sidda ay u socdaan.

Madaxweynaha oo uu wehliyey sii haya xilka safiirka ahna kuxigeenka safiirka ayaa warbixin ka dhageystay howl-wadeenada iyo dhaqaartiir ay ku jiraan Soomaali oo ka howl gala Isbitaalkan oo wali uu ku socdo dayactir ballaaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wariyeyaasha kula hadlayay gudaha Safaaradda ayaa sheegay in booqashadan ujeedkeedu yahay muujinta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dowladood.

“Imaaraadka Carabta waxaa uga mahad celineynaa mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya, maalmahan waxaa socday dacaayado lagu wayeeleynayo xiriirka iyo saaxibintimada ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka, taas waa been abuur, xiriirka labada dal u dhaxeeya mar walba waa uu sii xoogeysanayaa”ayuu yiri Madaxweynaha.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Imaaraadka carabta Xamdaan Rashiid Al-Shamsa ayaa isna ka mahad celiyay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ku yimid Safaaradda, isagoo hoosta ka xariiqay in uusan marnaba xumaan xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, labada dal ay yihiin walaalo.

Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmaan ayaa ka maqan magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay soo baxday in Imaaraadka ay daneynayaan arrimaha doorashada iyo shirarkii ay Madaxda Imaaraadka Carabta ugu qabteen magaalada Abu Dhabi, waxaa uu muddooyinkan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ugu danbeyntii, booqashadan ayaa imaneysa xili dowladda Imaaraadka la hadal hayo in ay siweyn ugu lug leedahay siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada madaxweynaha, waxaana xusid mudan in dowladda imaaraadka ay ku shirisay magaalada Dubai  hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya