4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2016
Warar kala duwan oo ka soo baxaya gaari lagu weeraray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan


Talaado, December, 13, 2016 (HOL) --Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya gaari la sheegay in ay la socdeen rag hubeysan oo lagu weeraray degmada Maxaas, waxaana warka ku saabsan weeraka gaariga siyaabo kala duwan uga hadlay maamulka degmada Maxaas iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Saraakiisha ciidammada booliiska degmada Maxaas ayaa warbaahinta u sheegay in gaarigan la weeraray oo markii danbe ay gacanta ku dhiteen qorshihiisu ahaa in uu ka qaado degmada ciidammo doonayay in ay u goostaan dhinaca maamulka Ahlu Sunna Wajameeca, taasoo keentay iska horimaad dhaxmara ciidammada dowladda iyo raggii la socday gaariga.

Hasse ahaatee dhinaca kale, Ahlu Sunna ayaa sheegtay in xubno ka tirsan maamulkooda ka badbaadeen sidda ay hadalka u dhigeen isku day dil kaddib markii lagu weeraray gaari ay la socdeen meel ku dhaw degmada Maxaas.

Marka laga soo tago sheegashada labada dhinac ilaa iyo hadda ma jiraa warar madaxbanaan oo ka hadlayay sababta keentay iska horimaadka labada dhinac iyo halka gaarigan la sheegay in la qabtay uu ku sii jeeday.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax khasaare ah oo ka dhacay iska horimaadka dhaxmaray labada dhinac, waana markii ugu horeysay oo is rasaaseyn ku dhaxmarto gobolka ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya