4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2016
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Maanta Doorashooyinka iyo Abaaraha ka Taagan Dalka


Talaado, December 13, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo Maanta Shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in 15-ka bishaan uu furmi doono Kal-fadhigii 1-aad ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, Wuxuuna ku baaqay in si deg-deg ah loogu Gurmado Shacabka ay Abaaruhu Saameeyeen.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay guul weyn tahay in ka badan 300 oo mudane oo isugu jira kuwa Aqalka Hoose iyo Sare ee baarlamanka Somalia ay ay dhawaan hawlahooda billaabi doonaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyo badan lagu soo dhameystiro diiwaan-gelinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somalia si ay hawlahooda shaqo u gudo-galaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa hadalkiisa ku daray in dagaalka Somalia ay ku jirto uu yahay mid caalami ah kaasoo dhan ka ah arga-gixisada, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Qaybtooda ka qaataan Dagaalkaas.

"In Somalia ay 47-sano kaddib doorashooyin ka dhacayaan waa arrin guul ah, taasoo lagu gaaray biseylka siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku taallaabsatay, Waxaana ku Ammaanayaa Maamul-goboleedyada iyo guddiga doorashooyinka sida ay u guteen Waajibaadkooda," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray. "Qorshaheennu waa in fadhigii u horreeyay ee Labada Aqal ee Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya uu furmi doono 15-ka bishan, Gacantana lagu hayo Hawshaas, wuxuuna faray maamulka Baarlamaanka inay dadajintaan Qabsoomidda kal-fadhiga koowaad oo ay dhaarinta xildhibaannada ay ka mid tahay."

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan siiyaan walaalahooda ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen.

Ugu dambeyn, Hadalka Xasan sheekh ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Somalia ay wajaheyso doorashada Madaxweynaha Cusub oo dhici doonta dhamaadka bishan lagu jiro ee December iyo Abaaro saameyn weyn ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya