4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2016
Golaha wasiirada ee Sacuudiga oo qabtay shir ku saabsan xaalada Soomaaliya


 

Talaado, Diseembar 13, 2016 [HOL]-Goolaha wasiirada ee dawlada Sacuudiga ayaa qabtay shir ku saabsan arimaha ka taagan dalka Soomaaliya.

 

Golaha wasiirada ee dawlada Sacuudiga ayaa shirkaa waxaa wasiiradu uga wada hadleen amaba niqaasheen arimo badan oo Soomaaliya iminka ka taagan. Arimahaa ayaa waxaa kujira doorashooyinka Soomaaliya ka socda.

 

Waxaa kaloo ay ka wada hadleen arimaha ammaanka la xiriira ee Soomaaliya. Waxay isla soo qaadeen weerarada Al-Shabaab ay ku qaado Muqdisho iyo qeybo kale oo Soomaaliya ah.

 

Waxaa wasiiradu sheegeen in weeraradaa ay halis ku yihiin guud ahaan ammaanka Soomaaliya.

 

Waxaa wasiiradu sheegeen in dawlada Sacuudigu ballan qaaday inay dawlada Soomaaliya ka caawineyso dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab.

 

Hadalka golaha wasiirada ee dawlada Sacuudiga ayaa imanaya ayadoo Axadii un qarax uu ka dhacay Muqdisho kaasoo tobanaan qof ay ku naf waayeen.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]