4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2016
Dawlada Kenya oo sheegtay inay xireyso xero ka mid ah kuwa Dhadhaab



Talaado, Diseembar 13, 2016 [HOL]-Dawlada Kenya ayaa sheegtay inay xiri doonto xerada Kaambi Caws ee ka midka ah xeryaha Dhadhaab.

'Waxaan xireynaa Kaambi Caws 15ka Febraayo sanadka soo socda'. Ayuu yiri guddoomiyaha Degmada Dhadhaab Harun Kamau.

Wuxuu intaa ku daray in sidaa loo yeelayo sidii laisugu habooneysiin lahaa adeegyada xeryaha laga bixiyo oo gabaabsi noqday.

12 kun ilaa 13 kun oo qoys ayaa la sheegay haatan inay daggan yihiin xeradaa oo la aasaasay sanadkii 2012.

Masuuliyiinta deegaanka Faafi ee Dhadhaab ayaa ka biya diiday arinkaa. Waxay sheegeen in loo baahan yahay inaan dadka la argagixin.

Waxay sheegeen in nidaam loo baahan yahay in lagu xiro xeradaa la dejiyo ka hor intaanan la xirin.

Guud ahaan dawlada Kenya ayaa dooneysa in xeryaha Dhadhaab oo dhan la xiro 6da bilood ee soo socda.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]