4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2016
Ciidanka Booliska Gabiley oo sheegay inay heleen haweenay sideed caruura dhashay oo inta la dilay maydkeeddiina la qariyey


Talaado,Diseembar, 13, 2016 (HOL)- Ciidanka Booliska ee degmadda Gabiley ayaa helay maydka marxuumad looga shakisan yahay inuu ninkeedu dilay oo lagu qariyey caws iyo caleenta xoolaha la siiyo dhexdooda.

Marxuumadan oo magaceedda la odhan jiray Alla ha u naxariistee Raaxo Aw Aadan Riiraash, ayaa la raadinayey muddo shan cisho ah, waxaanay ciidanka booliska ee Gabiley ka heleen beer dhexdeed oo lagu dhex qariyey.

Goobtan dhacdadan ugubka ahi ka dhacday ayaa ah miyiga degmada Wajaale oo hoos timaadda gobolka Gabiley, waxaanay ciidanku sheegeen in gabadhan gurigeeddii laga waayey muddu shan cisho ah oo la raadinayey, haseyeeshee ay  heleen Maydkeediii, waxaana loo xidhay ninkeeddii iyo laba qof oo kale.

“waxaanu soo helnay gabadh aanu raacdadeedda ku daba jirnay oo maalmahan aanu raadinaynay, waxaana laga waayey gurigeeddii oo ay joogtay, waxaana maydkeeddii lagu  qarinayey Caleenta xoolaha la siiyey dhexdoodda, waa nasiib wanaag mar haddii aanu helnay meydkeeddii, ninkii lagu eedeyaney waanu haynaa, kiiskiina gacanta ayaanu ku haynaa”ayuu yidhi taliyaha booliska degmadda Gabiley Cabdi Muuse oo ka hadlayey marxuumad inta la dilay la qariyey.

Badhasaabka gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kiiskan gacanta lagu hayo, isla markaana loo baahan yahay in shacabka reer Gabiley is dajiyaan.

Gabadhasaabku wuxuu sheegay in shan cisho la raadinayey gabadhan, waxaanu yidhi “arrinta waxa aanu raadinaynay shan cisho, ciidanka booliska Gabiley wuu baadhayey waxana la xaqiijiey in maydkii la soo helo,  waxay ahayd hooyo  sideed caruura leh oo ka ugu yari laba jir ah bay ahayd,”.

Arrintan waa dhacdo ugub ku ah Somaliland, isla markaana aan hore loo arag hooyo sideed caruur haysta oo lagu eedeeyey inuu ninkeeddii dilay, waliba isku dayo inuu qariyo.

 Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland