4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2016
Ganacsiga Koonfurta iyo W/qooyiga magaalada Gaalkacyo oo wali kala xiran

Talaado, December, 13, 2016 (HOL) --Iyadoo magaalada Gaalkacyo ay ka soo kabaneyso dagaalladii cuslaa ee ka dhacay bilihii la soo dhaafay kaddib hishiis laga gaaray colaada, ayaa haddana dhinaca kale waxaa soo baxaya cabasho ay muujinayaan ganacsatada labada dhinac ee magaalada oo wali kala xiran.

Ganacsatada qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa arintan ku sheegay mid aan wali horay uga dhici magaalada, madaama markii hore ganacsigu ahaa mid hadba dhinac isaga gudba.

Sababta ugu weyn ayeey ku micneynayan xirnaashaha dhamaanba jidadka galla suuqyada iyo goobaha ganacsiga Koonfurta iyo W/qooyiga magaalada kuwaa oo ay ku go'an yihiin carro maleeshiyaadkii iska soo horjeeday u ahaa dhufeysyo ay rasaasta gabaad uga dhigtaan.

Waxaa ay ugu baaqeen maamulka labada dhinac ee magaalada in  ay isku furaan ganacsiga, isla markaana loo turo shacabka ee nolol maalmoodkooda la tacaalaya.

Ganacstada ayaa sheegay in Gaalkacyo hadda u muuqato siddii labo magaalo oo kale,taasoo ay ku sheegeen in ay tahay arin nasiib darro ah.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinac mas'uuliyiinta maamulka Puntland iyo Galmudug oo horay u sheegay in isku socodka dadka iyo gadiidka labada dhinac ee magaalada yahay mid furan.

Ugu danbeyntii, dagaalladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo bilihii ugu danbeeyay ayaa galaaftay nolasha dad badan oo isugu jiray rayid iyo dhinacyadii dagaallamay, iyadoo siddoo kalana ay magaalada ka barakaceen kumanaan qoysas ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya