4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2016
Hay'adda CRD oo qabatay kulan lagu daraaseynayay wax yaabaha soo celceliya dagaallada gobolka Hiiraan

Talaado, December, 13, 2016 (HOL) - IYADOO bilihii ugu danbeeyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ka jireen dagaalo u dhaxeeya maleeshiyo ka soo jeedda beello wadda dega galbeedka gobolka, ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne lagu daraaseynayay wax yaabaha soo celceliya dagaallada oo marar badan oo hore soo noq noqday.

Madaxda hay'adda CRD ee gobollada dhexe Xassan Cismaan Xuuriye oo HOL la hadlay ayaa sheegay in daraasad muddo dheer soo soctay kaddib leysku afgartay in ugu danbeyntii la soo ururiyo aragtida qeybaha bulshada ee la xiriirta asalka dagaalladan iyo sababta soo celcelisa.

""Annaga abaabulka iyo qaban-qaabada kulanka oo kaliya ayaan laheyn iyo in aan bulshada weydiino aragtida ay ka qabaan dagaalladan iyo sidda xal loogu heli karo ayuu yiri'' Xassan Cismaan Xooriye.

Marka laga soo tago ururada bulshad rayidka siddoo kale waxaa kulanka qeybgalay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan, saraakiisha ciidammada iyo guddoomiyaha guddiga dhaxdhaxaadinta beellaha dagaalamay, kuwaa oo dhamaantood isku weydaarsaday kulanka aragtidooda la xiriirta colaada labada dhinac u dhaxeysa iyo sidda ugu haboon ee xal looga heli karo.

Guddoomiyaha maamulka Hiiraan ayaa bogaadiyay hay'adda CRD isaga oo ku amaanay sidda ay mar walba ugu taagan tahay wacyi-galinta bulshada iyo xalinta khilaafaadka, isaga oo intaa ku darray in haddii kulamada noocan oo kale  ah la joogteeyo wax weyn ka tari karaan guud ahaanba nabada iyo xalinta khilaafaadka.

Dadkii ka qeybgalay kulanka oo intooda badan ka kala socday hay'addo kala  duwan oo ka tirsan ururada bulshada rayidka, ayaa aragtidooda ku soo uruuriyay in dhinacyada iska soo horjeeda laga yaabo  qaarkood in aysan daacad ka aheyn hishiisyada la gaaaro iyo la'aanta awood fulineed oo meel marisa qodobada leysku afgarto haddii ay jirto cid jabisay ama ka hortimid, taasoo keenta in mar walba dagaalada halkooda ka sii socdaan.

Ugu danbeyntii, dood iyo falanqeyn kaddib ayeey isku raaceen dhinacyada ka qeyb-gallay kulanka oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda CRD '' In marka hore la ballaariyo kulamada wacyi-galinta ah ee loo qabanyo bulshada ka soo jeedda labada beellood ee dirirtu u dhaxeyso,'' In dhinacyada oo dhan daacad ka noqdaan hishiisyada la gaaro islamarkaana la hello isku tanaasul'' In la hello awood fulineed oo talaabo sharci ah ka qaada cid kasta oo ka hortimaada qodobada lagu hishiiyo'' In maleeshiyaadka hubeysan ee labada dhinac marka hore lagu sameeyo hub ka dhigis madaama iyaga oo hubeysan wali laga yaabo in ay is hor fadhiyaa''  Iyo ugu danbeyntii in warbaahinta qeyb weyn oo mug leh ka qaadato wacyi-galinta nabada iyadoo la abuurayo barnaamijyo gaar ah oo fariimo lagu gaarsiinayo qeybaha kala gadisan ee bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee laga yeesho siddii xal waara loogu heli lahaa dagaallada marar badan oo hore ka dhacay deegaannada fog ee miyiga galbeedka gobolka HIiraan iyo xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, kuwaa oo galaaftay nolashada dad badan oo shacab ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya