4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2016
DAAWO: Xuska Dhalashadii Nebigeena Muxamed N.N.K.H oo Minnesota lagu Qabtay (SAWIRRO)

Isniin, December 12, 2016 (HOL) Xuska dhalashada Nabigeenna Muxammed NNKH, ayaa lagu Qabtay Xarunta Shirarka Magaalada Minneapolis ee Convention Center, waxaana kasoo qayb-galay dadweyne Labo kun oo qof kor u dhaafay oo ka kala yimi W/Ameerica sida Waddamada Canada iyo Maraykanka goboladiisa kala duwan

Waxaa xuskan soo agaasimay masjidka wayn ee Nuurul Imaan ee ku yaal magaaladda Minneapolis, Sheekh Maxamed Cabdi Caafi Imaamka Masaajidkaa ayaa HOL u sheegay in culumada jeedinaysay muxaadaraadka iyo Siiradii kala duwaneed ay badi ka kala yimadeen magaalooyin kala duwan, iyagoo u soo safray inay ka qayb-galaan xuska Mowliidka, dadka Soomaaliyeed-na uga faa’iidaystaan cilmigooda.

Sidoo kale, Sheekh Caafi ayaa xusay in muxaadarooyinka ay ku baxeen labada luuqadood ee Soomaaliga iyo Englishka oo looga dan lahaa in da’a yarta ku dhalatay ay ku fahmaan diinta luuqada ay wax ku bartaan ee Englishka.

Waxaa kaloo laga sheekeeyay taariikhdii Islaamka iyo doorka nabadda , Wayneenta Nabiga NNKH iyadoo la xusay in maanta caalamka dhibaatooyinka ka jira ay ka mid tahay diintii oo la khilaafay ama ku dhaqankeedii yaraaday, wuxuuna si gaara loogu duceeyay dalka Soomaaliya, iyadoo aad looga hadlay in dalka abaaraha ka jira gacan laga gaysto sidii umadda wax loo gaarsiin lahaa.

Sheekh Axmed Suufi oo ka mida culummada ka timid gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isna faray dadkii xuska dhalashada Nabiga goob-joogga ka ahaa in la qabsado diinta lana baro dhallinyarada qurbaha siirada Nabiga iyo xadiiska si ay ugu dhaqmaan.

Culumadii waa-waynaa ee ka qaybgalay xuska Mowliidka sannadkan waxaa ka mid ahaa Sheekh C/qaadir Baajuri, Sh. Axmed Nuur Sheekh Yuusuf Direed, , Shariif Maxamud Sh.Cali iyo culummo kale oo badan.

Ugu dambeyn, Waxaa xuskaan lagu soo bandhigay nebi amaano iyo gabayo ay qaadayeen arday aad u d'a yar oo ka mid ah kuwa wax ka barta dugsiga Nuurul Imaan ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kuwaas oo ay aad uga heleen dadwaynahii ka soo qaybgalay Xuska Nabi Maxmaed NNKH.

Siyaad Siciid Saalax, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA