4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2016
WARBIXIN: Aqoonyahan dhawaan lagu wado in uu ku soo biiro Tartanka Xilka Madaxweynenimo


Isniin, December 12, 2016 (HOL) — Aqoonyahan lagu magacaabo Inj. C/llahi Cali Xasan ayaa lagu wadaa inuu isku soo sharraxo xilka Madaxnenimo ee Somalia oo la filayo in ay dhacdo 28-ka bishan sida lagu sheegay Go'aannadii ka soo baxay shirkii at Muqdisho ku yeesheen dhawaan Hoggaanka Madasha Qaranka.

Inj. C/llaahi ayaa bartimihii bishii hore ee November tartan u galay xildhibaannimo, iyadoo laga guuleystay, kaddib farageli weyn oo lagu sameeyay Hannaankii ay Doorashadaasi ku socotay, iyadoo ay si aad ah isugu dhawaayeen codadkii la kala helay, isagoo sheegeay in uu ka guuleystay musharrax ay madaxtooyada Soomaaliya wadatay.

Sidoo kale, Musharraxa ayaa la sheegay inay sabab u tahay inuu Hoggaanka dalka isku soo taago, kaddib markii uu Taageerayaashiisa ka helay codsiyo kala duwan oo ku aaddan inuu isku soo taago xilka Madaxnimo oo dhawaan la filayo inuu ka dhico Muqdisho. Waxaana la sheegay inuu yahay shaqsi waayo-arag ah oo wax ka qaban kara dhibaatooyinka haatan dalka ka taagan, isla makaana uu horseedi karo horumar iyo barwaaqo.

Inj. C/llaahi Cali oo ah madaxa iyo aasaasihii Hay'ada CED oo ka shaqeysa Waxbarashada iyo Horumarinta, iyadoo ka Hawl-gasha isla markaana ka Fulisay Mashaariic Wax-tar leh dhawr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, isagoo horay uga soo mid noqday Macallimiintii Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed xilligii ay jirtay Dowladdii Millateriga, isla markaana horay ula soo shaqeeyay Hay'ado kale ee Caalami ah Xilliyadii Dowlad la'aanta iyo burburka.

Dhanka kale, Aqoon-yahankaan la filayo inuu ka mid noqdo Musharraxiinta u Tartamaya Doorashada Madaxnimo ee Dalka ka dhacaya Sannadkaan 2016-ka, ayaa loo arkaa shaqsi miisaan weyn leh oo haddii uu go'aan ku gararo tartanka hogaanka dalka. isagoo rajeynaya inuu guul ka gaaro doorsahada, maadaama uu taageero ka hayso shacabka.

Musharraxa ayaa ka mid ahaa Aqoon-yahannadii Wax-galka ahaa ee waxiii ka dambeeyay but-burkii Dowladdii Dhexe ee Somalia 1991-kii u is-taagay Horumarinta Bulshada iyo u adeegida shacabka ay aafeyeen dagaalada sokeeye, dowlad la'aanta, fatahaadda, Abaaraha iyo weliba gaajada, isagoo ku howlanaa Gargaarka Bani'aadamnimada iyo Samata-bixinta bulshada dhibaateysan 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Dadka aqoonta u leh, Inj. C/llaahi ayaa ku sifeeyay in uu yahay Shaqsi isku darsaday Diin jacayl, Waddaninimo, Daacadnimo, hoggaan suuban, Aqoon iyo Hawl-karnimo, Waxayna rajo ka muujiyeen inuu ku guuleysan karo qabashada hoggaanka Somalia ugu sareeyu hadii loo siiyo fursad, isla markaana si cadaalad ah ay ku dhacdo, Doorashada Madaxnimo oo la filayo inay qabsoonto inta lagu guda jiro bishan December.

Ugu dambeyn, Xilka Madaxweynenimo ee Somalia, ayaa Waxaa xilligan isku soo taagay musharraxiin badan, iyadoo musharrax walba uu ku doonayo in Dalka uu u baahan yahay xilligan hoggaan Qaran oo aragti fog leh, oo la yimaada isbedel siyaasadeed, mid Dhaqaale iyo mid Bulsho, Isla markaana ka Shaqeeya Sidii Qarannimadiisa iyo Midnimadiisaba loo ilaalin lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya