4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2016
Musharax lagu xiray Garowe oo sheegay in amarka xarig-giisa uu bixiyay madaxweynaha Puntland


/images/2016/Dec/
Isniin, Diseembar 12, 2016 (HOL)-Ciidamada amniga Puntland ayaa xabsiga dhigay Cabdixabiib Yaasiin Warsame oo kamid ahaa musharaxiinta u tartamaysay doorashada aqalka hoose ee Somalia wax-yar ka hor intii aysan bilaaban doorashada oo ka dhacaysay magaalada Garowe.

Musharaxan oo doorashada markii ay dhacday ka dib la soo daayay ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu warqad dacwad ah ka dhigay saldhig-ga ,taasi oo lagu amrayay booliska in aysan isaga u ogolaan ka qayb-galka doorashada.

“ Aniga oo magaalada Dhex-maraya ayaa waxaa iskuweer iga qabtay gaari qori saaran-yahay iyo mid ay la socdaan ciidamo tiro ah ,waxaana la igu amray in gaariga aan ka soo dago , markaan sababta weydiiyay waa ay I khasbeen xoog ayeyna igu saareen gaariga ay wateen “ ayuu yiri Xabiib.

“ Waxaa madaxa la ii galiyay maas-garaati ,muddo aan ku qiyaasayo 45- daqiiqo ayey isii wadeen ka dib saldhig-ga ayey i geeyeen sagaal saac ka dib-na waa la I soo daayay , sababta  waxaa la iigu sheegay in madaxweynaha uu amar ku soo bixiyay inaan ka qayb-galin doorashada” ayuu mar kale yiri CabdiXabiib oo sharci darro ku tilmaamay xarig-giisa.

Mas’uulkan ayaa sheegay in dacwad la xiriirta kiiskiisa uu gudbiyay balse aan laga so jawaabin ,waxaana la aaminsan-yahay in arintan ay la xiriirto qoondada dumarka loo qorsheeyay oo beelaha qaar ee gobolka Mudug  ay  ka soo horjeesteen.

Ugu danbayn,  Booska loo diiday Cabdixabiib waxaa ku guulaysatay Xaawo Yuusuf Axmed oo kamid ahayd gabdhaha u tartamayay doorashada aqalka hoose ee lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.


Faysal M. Hassan
[email protected]