4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2016
SAWIRO: Hay’ada Tadamun oo Gurmad biyo dhaamin ah u sameysay Dadkii ay Abaartu Saameysay

Isniin, December 12, 2016 (HOL) — Hay’adda Tadamun, ayaa Gurmad Biyo-dhaamin ah ka fulisay deegaanka JarRiibaan iyo Deegaanno kale oo badan oo ay ku nool yihiin dadkii ay abaaruhu saameeyeen.

Deegaanada ay Hay’addu biyo dhaaminta ka sameysay, ayaa waxaa ka mid ah; Balli-busle, Ceel-la helay, Sal-dhagax, Laaso-cadalle Laan-qawar, Laaso dhaa-dheer iyo Xardhaban.

Sidoo kale, Biyo-dhaamintaan ayaa la gaarsiiyay 150 qoys iyo Xoolahooda oo abaaruhu ka tagan deegaannada Puntland ay si aad ah u saameeyeen.

Kaalmadaan Biyo-dhaaminta ah oo ay ku Yaboohday Sanduuqa Gar-gaarka ee Sanduuqa Afrika (African Relief fun), ayaa waxaa iska kaashaday fulinteeda hayadda , ayaa waxaa iska kaashaday hay’adda maxalliga ah ee Tadamun iyo oo Tadamun iyo African Relief Fun.

Dhanka kale, Guddoomiyaha hay’dda Tadamun, C/raxmaan C/risaaq ayaa sheegay in biyo-dhaamintaan laga sameeyey Gobolka Mudug ay qayb ka ahaayeen Gurmadyo ay Tadmun u fidineysay dadku abaarta saameyeen.

Ugu dambeyntii, Hay’adda Tadamun ayaa waxay ka Qayb-qaadataa inta badan Hormarinta Arrimaha Bulshada iyo midda bini’aadantinimada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya