4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2016
Dowladda Somalia oo sheegtay inay baaritaanno ku billowday Xoolaha loo iib-geeyo Sucuudiga


Isniin, December 12, 2016 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay, in ay baaritaanno ku billowday Xoolihii dhawaan laga soo celiyay Dalka Sacuudiga, kaddib Markii Dalka Sacuudigu ay sheegtay inay si KMG ah hakad u gelisay Xoolaha uga yimaada Soomaaliya.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somalia, Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in baaritaanno ay ku ogaanayaan Cudurrada laga helay Xoolaha laga dhoofiyo Somalia ay ku bilaabeen Xoolahii laga soo celiyay Sacuudiga.

Sidoo kale, Wsiirka ayaa sheegay in Arrintaas ay guddi u xilsaareen si loo baaro xoolaha, isagoo hadalkiisa ku daray in Natiijada Baaritaannadan kasoo baxa ay la Wadaagi doonaan Warbaahinta.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in Dalka Sacuudiga uu mar kale dib u dhoofsado Xoolaha Somalia oo dhaqaalo badan ay ka helaan xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Dowladda Sacuudiga ayaa hakiyay xoolaha kaga imaan jiray Soomaaliya, iyadoo sheegtay in sababo caafimaad ah oo aysan weli Shaacin ay u Hakiyeen dhoofsiga xoolaha Soomaaliya ka yimaada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya