4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2016
Booliska Kenya oo inkiray in Ceelwaaq Soomaaliya ciidamada Al-Shabaab ay qabsadeen


Isniin, Diseembar 12, 2016 (HOL)-Taliyaha booliska ee degmada Mandheera ee dalka Kenya ayaa sheegay in wararka sheegaya in xarakada Al-Shabaab ay qabsatay Ceelwaaq ay yihiin waxba kama jiraan.

Mr Bernard Nyakwaka ayaa dafiray arinkaa asagoo bartiisa Twitter-ka ku qoray in xaalada degmadaasi ay daggan tahay.  Si kastaba ha ahaatee taliyaha booliska ee Ceelwaaq Soomaaliya, Maxamed Cumar Guure ayaa sheegay in si kooban ay Al-Shabaab ula wareegtay magaalada kadibna ay isaga baxday.

Wuxuu sheegay in dhowr qof ay dhaawacmeen kadib markii rasaas badan ay ciidamada dawlada iyo Al-Shabaab ay isweydaarsadeen.

Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa haatan sheegaya in ayagu ay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan maamulka magaaladaasi xadka Kenya iyo Soomaaliya dhacda, dhanka Soomaaliya kadib markii xarakada Shabaab ay isaga baxday.

Kolonel Warfaa Sheekh Aadan oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dawlada federaalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Al-Shabaab ay gudaha u galeen Ceelwaaq Soomaaliya markii hore balse ay markiiba magaalada isaga baxeen.

Xaalada magaalada Ceelwaaq ayuu sheegay inay haatan daggan tahay wax dhib ahna uusan iminka halkaa ka socon.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]