4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2016
Maamulka gobolka Hiiraan oo xabsiga dhigay qaar ka mid ah dadka dhuxusha shida



Isniin, December, 12, 2016 (HOL) - Kaddib howlgal ciidammada booliiska maamulka gobolka Hiiraan ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Matabaan, waxaa lagu bur buriyay godad dhowr ah oo lagu aasay geedo la jarjaray si looga sameeyo dhuxul.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan ayaa sheegay in tallaabada ay qaadaan, kaddib markii ay ogaadeen sidda uu hadalka u dhigay dhibaatada ay arintan ku heyso deegaanka, waxaana uu ka digay in la jiro geedaha qoyan ee muhiimka u ah deegaanka.

''Waxaan xabsiga dhignay 20 ruux oo ka mid ah dadkii arintan ku howlanaa, siddoo kalana ciidammada waxaa ay bur buriyeen 52 god oo ah kuwa dhuxusha lagu shido, waan ka digeynaa arintan, maxaa yeellay dhibaato ayeey ku tahay deegaanka'' ayuu yiri guddoomiyaha.



Laakiin guddoomiyaha oo meeshan aan ka saarin in arintan ay shaqo u tahay dad badan oo aan heysan nolal kale ayaa sheegay in maamulku waxba ka qabin in dhuxul laga dhigto geedaha aan manaafacaadka u laheyn bulshada iyo deegaanka, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in cid kasta oo lagu helo iyada oo jareysa geedaha qoyan ee bulshada faa'idada u leh sharciga lala tiigasan doono.

''Waan ognahay in ay dadbadna arintan nolal u tahay, laakiin labo arimood ayaa leys bar bar dhigayaan faa'iidadad iyo khasaaraha yaa badan, dabcan khasaaraha ayaa badan, siddaa daraadeed ma aqbaleyno in la jaro geedaha qoyan''ayuu yiri guddoomiyaha.

Talaabadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu qaado maamulka gobolka Hiiraan taa oo lagula dagaalamayo dadka ka xamaasha dhuxusha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya