Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay dulleedka Muqdisho
Sabti, December, 10, 2016 (HOL) - Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee dulleedka magaalada Muqdisho, kaa oo lagu bartilmaameedsaday barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowlada federaalka.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarka kaddib markii ay siyaabo kala duwan uga hadleen dowladda federaalka iyo Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyad weerarka.
Saraakiisha ciidammada nabad-sugida ayaa sheegay in gaariga uu qarxay xili baaritaan lagu hayay, waxaana goobta ku dhintay sidda ay saraakiisha sheegeen askari ka tirsanaa ciidammadii joogay barta-kootarool iyo qofkii wadday gaariga qarxay.
Hasse ahaatee war ka soo baxay dhinac Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana ku dileen ilaa 9 askari oo ka tirsan nabad-sugida Soomaaliya.
Taliska hay'addaha nabad-sugida ayaa war ay galabta soo saareen ku sheegay in gaariga is qarxinta geystay lagu soo xiray Taarikada Soomaaliland, taasoo ay ku tilmaameen mid la doonayo in leysaga horkeeno bulshada labada dhinac.
Ugu danbeyntii, gaariga is qarxinta geystay ayaa lagu waramyaa in uu ku sii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho, hasse ahaatee lagu joojiyay barta-koontarool ee uu qaraxa ka dhacay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
More News
- Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay dulleedka Muqdisho
- Xarunta xuquuqul insaanka Somaliland oo soo bandhigay tacadiyadda sanadkan dhacay ee ay diiwaangalisay
- Wasiiro shaqada uga tagay musuq maasuq ka jira doorashada xubnaha aqalka hoose
- Mashruuc cawimaad dhanka sharciga ah oo ka socda Islii Nairobi
- Muqdisho: Qarax labo qofi ku dhinteen
- Madaxweyne Xassan Sheekh oo Addis Ababa uga qeyb-galay shir madaxeedka IGAD [Sawiro]
- Labo haween ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa oo isku Qarxiyay suuq ku yaal Nigeria
- CIA-da Maraykanka ayaa Aamisan in Ruushka uu Trump ka Caawiyay ku Guulaysiga Doorashadii la qabtay
- Wasiirka Warfaafinta Somalia Maareeye oo ku guuleystay Doorashada Xubnaha Aqalka HOOSE
- Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ghana Nana Akufo-Addo oo ku Guuleystay Doorashada Ghana
- SAWIRRO: Waligey tanoo kale ma Arag: Dhambaal ka yimid Dhakhtar ka Shaqeynayay Suuriya
- Qoysas abaarta saameysay oo raashin iyo biyo loogu qeybiyay degmada Xuddun ee gobolka Sool
- Labo wasiir oo si la yaab leh ugu guuleystay doorasho aan laga sii warqabin oo ka dhacday magaalada Jowhar
- Doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo dib uga bilaabaneysa magaalada Muqdisho
- K/galbeed oo ciidamo dheeraad ah u dirtay deegaanka Goofagaduud ee gobolka Baay
- Maanta oo ah maalinta loo asteeyay xaquuqul insaanka caalamka
- Yahya Jammeh oo mar kale diiday inuu xilka wareejiyo




