KENYA: Askar boolis ah oo dhaawacmay markii Al-Shabaab weerartay xero boolis
Askar GSU ah-Koofiyad Cas/Xaquuqda Masawirka/The Star
Axad, Agoosto 07, 2016 (HOL)-Ugu yaraan afar askari oo boolis militaariyo ah ayaa dhaawacmay kadib markii dabley ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerartay xero boolis degmada Lamu ee dalka Kenya.
Askartaa booliska ah ayaa waxaa ay dhaawacmeen xalay kadib markii xarakada Al-Shabaab ay weerartay xeradooda -Basuba GSU camp, Lamu. Askartaa ayaa waxaa daaweyn loogu qaadayaa Nairobi sida dawlada Kenya ay sheegtay mar sii horeysay oo maanta ah.
Guddoomiyaha degmada Lamu, Joseph Kanyiri ayaa sheegay in ilaa 20 dabley ah oo aad u hubeysanaa ay xeradaa weerareen xalay ayna askarta booliska ah iyo ayagu xabado isweydaarsanayeen ilaa 30 daqiiqo.
Khasaarihii dableydaa gaaray ayaan la ogeyn inta uu dhan yahay ilaa hada oo aan warbixintaan qoreyno.
Weeraro ceynkaan ah ayaa kusoo noqnoqonaayay Lamu in dhawaale ayadoo loo aaneeyo Al-Shabaab oo fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya.
Kenya ayaa weeraro badan soo wajaheen tan iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011.