10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2016
Calanka Soomaliya oo si weyn-uga dhex-Muuqday Furitaanka Cayaaraha Olimbkida ee Rio


Axad, Agoosto 07, 2016 (HOL)-Wadanka Soomaaliya oo ka soo kabanaya colaado sokeeye ayaa ka qayb-galaya tartanka ciyaaraha olombikada adduunka ee ka furmay magalaada Rio ee dalka Brazil ,waana dalka labaad ee kooxda ugu yar ku leh tartankan caalamiga ah.

Maraykanka ayaa waxaa uga qayb-galaya ciyaarahan koox ka kooban 554 ciyaaryahan oo isugu jira rag iyo dumar ,waana wadanka ugu ciyaartoyda badan marka loo eego wadamada kale ee koobkan ka qayb-qaadanaya sanadkan.

Madaxa Olombikada ee kooxda Somaliya matalaysa Faadumo Cali Nuur ayaa sheegtay in furitaankii koobkan uu ku reebay dareen gooni ah ,iyadoo ay jiraan boqolaal Soomali ah oo shaashadaha kala socday dalkooda maalintii furitaanka.

“Waxaan aad ugu faraxsanaa inaan arkay calanka Soomaaliya oo ka hor-babanaya caalamka oo idil ,si lamid ah dhinaca kale waxaan ka murugooday in wadanka uusan lahayn ciyaar-yahanno tayo leh oo nooga qayb-gala dhamaan ciyaaraha kala duwan ee olimbikada “ ayey  tiri Faadumo.

 

Tartankan waxaa Soomaaliya u matalaya Maryan Nuux Muuse oo ka qayb-gali doonta orodka dumarka ee 400 mitirka ah halka Maxamed Daa’uud oo isna ah 20 jir uu ordi doono orodka  5,000 oo mitirka ah ee rag-ga.

Guud ahaan guddiga Somaliya ee olimbikada ayaa dhan sideed qof oo kala ah laba ciyaar-yahan , tababare ,dhakhtar iyo waliba xubno kale oo ka tirsan guddiga olimbkida heer Qaran ee Soomaaliya ,waxaana xubnahan ay ku rajo –weyn-yihiin in ay natiijooyin wanaagsan kala soo hoydaan ciyiaarahan.

Ugu danbayn,Faadumo Nuur oo lafteeda horey u soo ahaan jirtay ciyaar-yahanad bassket-ballka ah ayaa sheegtay in kooxdooda ay aad u yar-tahay ,sababo la xiriira in uusan wadanku haysan ciyaar-yahanno ku filan iyo in dalku uu soo maray dagaallo sokeeye oo khasaare badan dhaliyay.

Faysal M.Hassan
[email protected]