10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 23, 2016
SAWIRRO: Hay’adda Samafalka HARO oo dhar kala duwan ah ka Qaybisay Degmada Dayniile


Talaado, August 23, 2016 (HOL) — Hay’adda Samafalka ee Humanitarian Africa Relief Organization (HARO) ayaa Taariikhdu Markey ahayd 22-8-2016 waxaay   Macaawino Dhar Nooco kala duwan ah ka qeybiyay   Xero Barkacayaal ah oo ku taal Degmada Dayniile   ee Magaalada Muqdisho laguna Magcaabo Bay iyo Bakool waxaana la siiyey dad ku dhaw Kun Qof oo Dad tabaalaysan ah ,waxaana Deeqda Dadkaaa Tabaalaysan gaarsiiyay Xubno ka tirsan Hay'adda HARO.

Deeqda Dharka ah ayaa la wada Gaarsiiyay Dadkii ay Hay’adu Diwaangelisey waxayna u gaartay si isku mid ah ,iyadoo Deeqdaas isugu jirtay Dharka Dumarka iyo Raggu xirtaan iyo sidoo kale kuwa Caruurta waxaana sidoo kale wehliyay Kabo iyo agabka ay Ciyaalku ku cayaaraan.

Xubnhii ka socdey ama Wakiika ahaa Hay’adda Samafalka ee Humanitarian Africa Relief Organization (HARO) oo ay wehliyaan dadkii loo qaybiyey Deeqdaas ayaa u Mahadceliyeen Walaalaha Soomaaliyeed ee Jaaliyadda Waqooyiga Ameerika oo iyagu soo aruuriyey Deeqdaas islamrkaan ka soo qaadey Dalka Mareykanka sidoo kale Xubnaha hayadda waxay sheegeen in ay sii laba jibaari doonaan Howlaha Deeqaha lagu Gaarsiinayo Dadka Dhibaateysan ee ku Nool Guud ahaan dalka Soomaliya .

Ugu dambeyn, Hay’adda HARO ayaa inta badan waxay ku Howlan tahay sidii dadka Soomaaliyeed ee Dhibaateysan ay u gaarsiin lahayd Mucaawinaayin kala duwan waxayna horey ugu soo qayb qaadatey Dhibaatooyinkii kala duwana ee ka dhacay Dalka Soomaaliya, waxayna ka mid tahay Hayadaha fara ku tiriska ah ee ka Howlgala Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya