4/12/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2016
Dawlada Turkiga oo Daacish ku eedeysay qaraxii Sabtidii


 

 

Isniin, Agoosto 22, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa Daacish ku eedeeyay weerarkii qaraxa ee Sabtidii dalkaa ka dhacay inay ayadu ka dambeysay.

Wiil yar oo 14 sano jir ahaa ayaa la xaqiijiyay inuu weerarkaa geystay asagoo ismiidaamshay. Dadkaa qaarkii ayaa tilmaamay inuuba ka yaraa intaa oo uu 12 sano jir ahaa wiilkaasi.

Wiilkaa oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay dad doonayay inay aroos ka qeyb qaataan dalka Turkiga.

Ilaa 30 qof ayaa ugu yaraan ku naf waayay markii wiilkaa naftii halligga ahi isku qarxiyay magaalada Gaziantep ee dhanka koofur-galbeed ee dalkaasi Turkiga.

Ciidamada ammaanka ayaa xaqiijiyay in sidoo kale in kabadan 90 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Mehmet Simsek oo ah ku xigeenka raisul wasaaraha dalkaa ayaa ku tilmaamay weerarkaa mid fuleynimo ah.

Dhawaan ayaa sida meelo kale oo caalamka ah waxaa dalkaa kusoo batay weerarada rasaasta iyo qaraxyada loo adeegsado ayadoo inta badan dadka ku waxyeelooba ay yihiin dadka rayidka ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/22/2016 3:14 PM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Waxaa Degmada Jowhar oo ah xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe gaaray ciidammo ka tirsan Booliiska Somalia oo sugi doona ammniga, gaar ahaan sidda ay saraakiisha hadalka u dhigeen madasha shirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

8/22/2016 8:51 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Jubbalanad, Axmed Madoobe iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya danjire Michael Keating ayaa maanta si wadajir ah ugula hadlay saxaafada aqalka martida ee Magaalada Kismaayo.

8/22/2016 8:28 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Aas weyn ayaa loogu sameeyay Allaha u naxariistee Ugaas C/laahi Ciise Nuur Degmada Boocame oo 75-km Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

8/22/2016 5:17 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) —Fayisa Lilesa oo kamid ah ciyaartoyda dowladda Itoobiya uga qayb-galayay ciyaaraha olombikada adduunka ee Rio ayaa si la yaab leh u dabaal-degay ka dib markii u soo gaaray diilinta kama danbaysta ah ee orodka ,waxaana uu kor u taagay gacmihiisa isaga oo sawiraya calaamadda isku-talaabta ama (X)-ta.

8/22/2016 4:57 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Wafdi u Hor-kacayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Camey ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo oo saaka lagu Aasayo dadkii ku dhintay labadii qarax ee shalay lagu weeraray xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo.

8/22/2016 3:59 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay u istaagaan in sidii dagaal wadajir ah ula geli lahaayeen Al-shabaab.

8/22/2016 3:49 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee Dekedda Muqdisho kala soo daga Ganacsiyada kala duwan.

8/22/2016 3:38 AM EST
Isniin, August 22, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markana ah duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa si kulul uga Jawaabay Hadalkii kasoo yeeray Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ee ahaa inay sharci-daro yihiin kaararka aqoonsiga ee uu maamulka gobolka Banaadir bixiyo.

8/22/2016 2:28 AM EST
Isniin, Agoosto 22, 2016 (HOL)-John Kerry oo ah Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa maanta booqasho ku jooga Kenya ayadoo uu la leeyahay madaxweyne Uhuru Kenyatta wada hadalo.

8/22/2016 1:59 AM EST
Isniin, Agoosto 22, 2016 (HOL)-Ciyaaraha olombikada ayaa lagu soo gabagabeeyay Brazil gaar ahaan magaalada Rio ayadoo lagu soo afmeeray xaflad si aad ah loo soo agaasimay.