4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2016
Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee dalka


Khamiis, August 18, 2016 (HOL) — Kulankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee maanta oo uu shir-guddoominayay RW Xukuumadda Federaalka, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, ayaa waxaa looga Hadlay Qodobbo ay ka mid ahaayeen; Xaaladda Siyaasadeed ee dalka & daba-galka Hantida Qaranka.

RW Sharma'arke, ayaa wuxuu warbixin la xiriirtay Xaaladda Siyaasadda ee Waddanka u soo gudbiyay golaha wasiirrada, isagoo sheegay in maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay meel wanaagsan marayso, sidoo kalena si wanaagsan looga shaqeynayo barnaamijka Doorashooyinka, isla markaana Tababbar loo soo xiray Gudiyada maamul-goboleedyada ee Doorashooyinka.

Wasiirka Cadaaladda Somalia ahna gudoomiyaha gudiga badbaadinta hantida Qaranka, ayaa shirka ka sheegay inay jiraan wasaaradaha xukuumadda qaar ka mid ah ay soo gudbiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay Hantidii ay lahayd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ka hor inaysan bur-burin 1990-kii, kuwa kalena laga doonayo inay si dhaqso ah u soo gudbiyaan.



Intaas kaddib, RW Soomaaliya, ayaa Golaha Wasiirrada ku hor Ammaanay wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha oo uu sheegay in uu wado Dadaallo ku aaddan Dhiirri-gelinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, wasaaradiisuna ay la timid Wax-qabad muuqda oo ay ka mid yihiin; ciyaarihii gobollada oo waddanka u horseeday in uu yeesho muuqaal wanaagsan.

Ugu dambeyn, golaha Wasiirada Somalia oo uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, ayaa waxey soo dhaweeyeen kulankii Golaha Qurbo-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Muqdisho, isla markaana bogaadiyeen Carwada Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho ka furmay shalay, iyagoo ku Tilmaamay inay tahay bog cusub oo u furmay Shacabka Soomaaliyeed oo u jiheeynaya wadada aqoonta iyo nabada.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya