4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2016
SAWIRRO: Ciidamada Puntland oo ka billaabay Garoowe Hawl-gallo lagu Xoojinayo Ammaanka


Khamiis, August 18, 2016 (HOL) — Hawl-gallo lagu sugayo ammaanka ayaa ka bilowday Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaddib markay ku soo bateen Dadka wata Hubka iyo Gaadiidka bacaha madow ay muraayadaha ugu xiran yihiin, kuwaas oo Mas'uuliyiinta Puntland ay Amreen in lasoo Qab-qabto.

Waxaa hawl-galkan fulinaya ciidanka daraawiishta iyo kuwa amniga Puntland, waxaana shalay illaa maanta baaritaanno ay ka wada Xaafadaha magaalada Garoowe, iyadoo lagu qab-qabtay dad badan.

Guddoomiyaha Garoowe, Xasan Maxamed Ciise (Goodir), ayaa sheegay in hawl-gallada amaanka lagu sugayo, ayna sabab u tahay dadka aan la aqoon ee hubka ku dhex-wata degmada iyo gaadiidka bacaha madow ay uga xiran yihiin muraayadaha, kuwaasoo uu sheegay inay wax u dhimi karaan amaniga Garoowe.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobalka Nugaal, Cumer C/llaahi Faro-weyne ayaa isna sheegay in sharciga la hor-keenayo ciddii ka hor-timaadda Howl-galladan amaanka lagu sugayo ee ka socda magaalada Garoowe, Wuxuuna intaas ku daray in gacan bir ah ay ku qabanayaan ammaanka gobolka Nugaal.

Dhinaca kale, Taliyaha Daraawiishta Puntland, Col. Jimcaale Jaamac Takar oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hawl-gallada ay wadi doonan inta ay ka xaqiijinyaan ammaanka magaalada Garoowe, Wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ammaanka kala shaqeeyaan ciidamada Puntland.

Ugu dambeyn, Hawl-galladan ayaa imaanaya xilli dhwaan la filayo in Garoowe ay ka dhacaan Shirar waaweyn oo ay ka mid yihiin; Shirarkii lagu soo xulayay xubnaha Aqallada Hoose iyo kan Sare ee Baarlamanka Somalia, kuwaasoo la gudo-gali doono dhammaadka bishaan August.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiran Online
E-mail: [email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya