4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2016
Angela Merkel: qaxootigu ma keenin argagaxisonimo Jarmalka

 


 

 

Khamiis, Agoosto 18, 2016 (HOL)-Angela Merkel oo ah haweeneyda hoggaamisa dawlada Jarmalka ayaa sheegtay in qaxootiga soo galay Jarmalka aysan halkaa keenin argagaxisonimo.


Waxay intaa raacisay in diinta Islaamka laga ogol yahay dalkeeda maadaama loo isticmaalo siyaabe qaddariyay dastuurka. Dhawaan ayaa weeraro ISIS qaaday ay ka dheceen Jarmalka.

 

'Dhacdada argagaxisonimada Islaamiyiintu  maahan dhacdo qaxootigu noo keeneen'. Sidaa ayay tiri Angela Merkel.


In ka badan hal malyan oo qaxooti ah ayaa galay Jarmlka sanadkii lasoo dhaafay ee 2015 oo qura.

 

Dadkaa ayaa qaar kasoo qaxeen wadamada colaadaha ba'an ay ka jiraan ee Bariga Dhexe sida Suuriya iyo Ciraaq halka in badan oo kalena ay ka haajireen qaarada Afrika ayagoo ka baxsanaya gaajo iyo faqri.


Si kastaba ha ahaatee, muwaadiniin badan oo reer Jarmal ah ayaa shacuur caro leh oo ay u qabaan qaxootiga iyo ajaaniibta dalkooda jooga ay ku dhalatay gaar ahaan bishii lasoo dhaafay kadib markii weeraro badan ay ka dheceen dalkaa kuwaasoo 3 ka mid ahaa dad muhaajiriin ahi qaadeen.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]