4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2016
Dawlada Australia oo sheegtay in la xiri doono xerada qaxootiga lagu xannibay ee Manus

 

Khamiis, Agoosto 18, 2016 (HOL)-Dawladaha Australia iyo Papua New Guinea ayaa isku raacay in la xiro xerada qaxootiga lagu xannibo ee ee kutaala Papua New Guinea gaar ahaan jaziirada Manus.

Si kastaba ha ahaatee, dawlada Australi ma aysan sheegin halka loo dhigaayo qaxootiga halkaa kujira oo tiradoodu sare u dhaaftay 500 oo qof. Waxay weliba sheegtay inaysan siin doonin dib u dajin ah Australia gudaheeda.

Si kastaba waxaa shaaca laga qaaday in ay tahay in la xiro xeradaa maadaama eedo badan laga soo sheegay kuwaasoo ah in tacaddiyo lagula kaco qaxootiga halkaa kujira-Soomaali badana waa ay kujiraan halkaa oo dadkaa ayay kujiraan lagu garramayo.

Lama oga halka kale ee la geyn doono qaxootiga marka xeradaa dhibka badan irdaha loo laabo!

Dadkaa ayaa ujeedkoodu yahay iyo weliba kuwo kale oo kuxiran meelo kale inay mar un dagaan Australia oo nolol cusub ay ka bilaabaan.

Si kastaba ha ahaatee, Australia way diidan tahay weyna diiday in dalkeeda qof si sharci ah aanan kusoo galin ay siiso dib u dajin.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]