4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2016
Ahlusunna Waljamaaca oo beenisay inay Wadahadal la furayso Maamul-goboleedka Galmudug


Khamiis, August 18, 2016 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca, ayaa diiday in wada-hadal ay dabada ka riixayso Dowladda Federaalka Somalia la gasho maamul-goboleedka Galmudug, xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo labada dhinac.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe, Cabdllaahi Diirshe ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wada-hadal loo furayo iyaga iyo Maamulka Galmudug.

"Ma jiraan wax wadahadal ah oo dhexmaraya Ahlusunna iyo Galmudug, waa uun war loogu talo-galay dhegaha shacabka, sal iyo raadna ma lahan," ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Ahlusunna.

Sidoo kale, Wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka Somalia in dhibaatada ay kusii kordhinayso gobollada Dhexe, ayna daacad ka aheyn waxa ay wado, wuxuuna intaas ku daray in maamulkooda uu ka kooban yahay; Gal-gaduud, Mudug iyo Hiiraan, ayna tahay mid ay doorteen shacabka Gobollada dhexe.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Odawaa ayaa wuxuu ku sugan yahay magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud, isagoo dadaal ugu jira sidii loo dhex-dhexaadin lahaa Ahlusunna iyo Galmudug.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya