4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2016
Dawlada Mareykanka oo ilaa 30 kun oo qaxooti Muslimiin ah soo dhaweysay 12kii bilood ee lasoo dhaafay

Khamiis, Agoosto 18, 2016 (HOL)-Qiyaas ahaan ayaa dalka Mareykanka waxaa loo ogolaaday inay soo galaan ilaa 30 kun oo qaxooti Muslimiin ah sanad maaliyadeedka dalkaa ee haatan socda.

Dadkaa ayaa tiradoodu cagacageyneysaa kala bar dhammaan qaxootigii loo ogolaaday in sanadkaan ay soo galaan Mareykanka. Badi qaxootigaa Muslimiinta ah waxay kasoo jeedaan dalalka Suuriya iyo Soomaaliya oo colaado ka taagnaayeen muddo dheer walow Soomaaliya haatan colaaduhu ay yaraadeen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira qaxootiyaal badan oo Mareykanka dhawaan soo galay oo kasoo kala jeeda dalalka Ciraaq iyo Burma.

Burma ayaa waxaa aad loogu gumaaday qowmiyada Rohingya  oo ah qowmiyad Muslim ah dadkaa oo hantidoodii la boobay maatadiina laga laayay isla markaana wixii soo harayna badidood  la eryaday ama dabada looga dhacay oo jahooyin kala duwan oo aduunka ah kukala firdhay.

Dal kale oo qaxooti ka yimid ay Mareykanka dhawaan yimaadeen waa dalka dadkiisu Muslimiinta yahay ee Afghanistan.

Waxaa la moodaa haatan in caalamka guud ahaan dadka Muslimiinta ah loo daran yahay oo la hagardaameynayo ayaguna ay isu daran yihiin oo dalalkooda in badan oo ka tirsan ay dabab ka holcayaan!

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]