4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2016
Kenya: Magaalada Mombasa oo laga mamnuucay xafladaha aroosyada ee saqda dhexe habeynkii lagu gaaro

Khamiis, Agoosto 18, 2016 (HOL)-Magaalada Mombasa oo ah caasimada labaad ee Kenya ayaa waxaa laga mamnuucay xafladaha aroosyada ee socda ilaa saqda dhexe ee habeynkii.

Arinkaa ayaa waxaa maamulka magaaladaasi ku doonayaa in uu ku horumariyo ammaanka. Dhallin yaro yaryar oo wiilal ah ayaa la sheegay in dumarka xafladahaa taga ay dhibaateeyaan gaar ahaan saqda dhexe ee habeynkii hadii ay ku gaaraan.

Magaaladaasi Mombasa oo ah caasimada labaad ee Kenya ayaa waxay caan ku tahay aroosyada saqde dhexe ee habaynkii lagu gaaro.

Maamulka caasimadaas ayaa sheegay in ammaanku hadii uu hagaago ay dhici doonto in mar kale dib loo ogolaado in xafladaha lagu gaaro saqda dhexe balse haatan ladoonayo wixii xaflado aroos ah in aysan dhaafin 10ka fiidnimo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Nairobi, Kenya.
[email protected]