4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2016
FAROOLE: Hanaanka 4.5-ka waa mid shaqsiyaad ay doonayaan inay Xilal ku helaan (DHAGEYSO)


Jimco, Abriil 08, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa Wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda SBS ee dalka Australia kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay Nidaamka Awood-qaybsi ee 4.5-ka oo dhawaan uu maamulka Puntland ogolaaday in lagu saleeyo doorashada Dalka ka dhici doonta dhammaadka sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Faroole ayaa ku tilmaamay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5-ka mid la doonayo in lagu af-duubo jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, Wuxuuna xusay in Dadku aysan si wanaagsan u garanayn nidaamkan, balse dad doonaya inay awooda iska haystaan ay ku meel-marayaan.

DHAGEYSO: Wareysiga Faroole uu siiyay Radio SBS - Australia oo Dhameystiran;

Sidoo kale, C/raxmaan Faroole oo Toddobaadkan shaaciyay inuu yahay murashax u taagan Xilka Madaxweynaha Somalia, ayaa la weydiiyay su’aal ah, inta ay le’eg tahay Kalsoonida uu ku qabo inay doorashada soo socota ku guuleysato, maadaama cidda wax dooranaysa ay tahay baarlamaanka, isagoo uga jawaabay.

“Waxaan aaminsahay in shacabka Soomaaliyeed ay kalsooni ballaaran igu qabaan... Maxaa yeelay Xiriirka aan la leeyahay iyo ka War-qabkayga ayaan aqaan, sidoo kale dhaqankooda ayaan aqaan. Waayo anigu Muqdisho ayaan ku koray, meelo badan oo kalena waan ka soo shaqeeyay.”

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono amaanka haddii xilka la doorto, isagoo xusay inuu wax badan ka yaqaanno shaqooyin fara badan oo ay ka mid tahay sugidda amniga.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia