4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2016
Kooxo Hubeysan oo Nin Ganacsade ah Xalay ku Toogtay Koonfurta Magaalada Hargeysa


Jimco, Abriil 08, 2016 (HOL) — Allaha u raxmadee Marxuum Cismaan Daahir ayaa xalay lagu toogtay Koonfurta Magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada 31-ka May.

Kooxo hubeysan oo aan wali la aqoonsan ayaa marxuumka toogtay waqti uu gurgiisa wax yar u jiray, iyadoo aan weli la garanayn sababta loo toogtay marxuumkan.

Marxuum Cismaan ayaa wuxuu ahaa Ganacsade bakhaar ku lahaa Xaafadda Isha-Boorama oo isla degmadda 31-ka May ka tirsan, waxayna Wararku sheegayaan in ninkaan oo waddo maraya rasaas lagu furay, uuna isla goobta lagu toogtay ku geeriyooday.

Maydka marxuumka ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Hargeysa, wuxuuna HOL u sheegay dhakhtar ka hawlgalka isbitaalka in laba xabbadood ay ku yaalleen, kuwaasoo kaga dhacay dhabarka iyo mid gacanta kaga dhacday.

Ugu dambeyntii, Illaa hadda ciidamada Amniga Somaliland kama hadal dilka Marxuumka, inkastoo ay wararku sheegayaan in ciidamada amnigu ay ku daba-jiraan dableydii dilkan u geystay marxuumka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland