4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2016
SAWIRRO: Dadka Jabuuti oo Maanta u codkooda ka Dhiibanaya Doorashada Madaxweynaha

Jimco, Abriil 08, 2016 (HOL) — Shacabka dalka Jabuuti, ayaa saakay aroortii u dareeray Goobaha cod-bixinta Doorashooyinka Madaxnimo ee Waddankaas oo Jimcaha maanta ah dhacaysa.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya lix murashax oo uu ka mid yahay madaxweynaha talada dalkaas haya Ismaaciil Cumar Geelle oo ku tartamaya magaca xisbiga aqlabiyadda dalkaas ee UMP.

Madaxweyne Geelle ayaa waxaa si weyn loogu saadaalinayaa inuu in mar kale loo dooran doono Hoggaaminta dalkaas, waxaana uu Dalkaas xukumayay tan iyo Sannadkii 1999-kii, markaasoo uu Doorashadii kaga guuleystay Madaxweynihii ka horreeyay, Xasan Guuleed Abti-doon oo Waddankaas xukumayay tan iyo 1977-kii - markii uu xorriyadiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska.

Goobaha codbixinta ayaa intooda badan la furay 6:00 aroornimo ee maanta iyadoo xirmaya 6:00 maqribnimo ee isla maanta. Waxaana goobaha cod-bixinta ku sugan wakiillo ka socda murashaxiinta xilka ku tartamaya, kuwaasoo la socon doona qaabka codeyntu u dhacayso.

Sidoo kale, Murashaxiinta doorashada maanta dhacaysa ku tartamaya ayaa kala ah; Cumar Cilmi Khayre oo ka socda isbahaysiga mucaaradka ee USN, Maxamed Daa’uud Shixim oo isna ku tartamaya xisbiga DPD, Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynaha xilligaan ee Jabuuti oo ka socda xisbiga aqlabiyadda Jabuuti UMP.

Waxaa kaloo, iyaguna Doorashadaan ka qayb-galaya saddex Murashax oo ah kuwo madax-bannaan kuwaas oo Magacyadoodu kala yihiin; Jaamac Cabdiraxmaan Jaamac, Maxamed Muuse Cali iyo Xasan Idiris Axmed.

Dhanka kale, Waxaa jira xisbiyo ka tirsan isbahaysiga mucaaradka Jabuuti ay ku mideysan yihiin ee USN oo diiday inay ka qayb-galaan doorashada Madaxwyenaha ee maanta dalka Jabuuti ka dhacaysa, inkastoo aan la sheegin sababta ay ku diideen.

Haddii Doorashadaan marka lasoo gaba-gabeeyo la waayo murashax ku guuleysta codadka looga baahan yahay inuu murashaxu helo, Waxaa la qaban doona Wareeg kale oo doorasho ah, inkastoo aan la ogeyn xilliga ay dhici doonto.

Ugu dambeyn, Guddiga doorashooyinka Jabuuti - ayaa sheegay in doorashada loo diiwaan-geliyay inay codadkooda ka dhiibtaan 187,900 oo qof, inkastoo si weyn loogu saadaalinayo inuu kusoo bixi doono doorashadan madaxweyne Geelle.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya