4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2016
SAWIRRO: Wasiir Farkeeti oo Bahrein uga qayb-galaya Shirkii Wasiirada Maaliyadda Carabta


Jimco, Abriil 08, 2016 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim [Farkeeti] iyo wafti u hoggaaminayo ayaa waddanka Baxrayn uga Qayb-galay shirkii sanadlaha ahaa ee wasiiradda Maaliyadda ee Jaamacadda Carabta. Shirkaan ayaa waxaa soo agaasimay shanta hay'adood ee dhaqaalaha Jaamacada Carabta. Waxaana isugu yimaada Wasiiradda Maaliyadda iyo Gudoomiyeyaasha Bangiyada Dhaxe ee dalalka Carabta.

Arrimaha ugu muhiimsan ee shirkan diiradda lagu saarayo Sannadkaan - waxaa ka mid ah, Kobcinta maalgashiga wadamada ku bohoobay Jaamacada Carabta. Horumarinta Beeraha. Sidii loo heli lahaa suuq Carbeed oo midaysan iyo Dar-dar galinta dhaqaalaha waddamada Carabta

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa shirkaan hor dhigay warbixin ka hadlaysa guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya meesha uu marayo, caqabadaha jira iyo sida ugu habboon oo looga bixi karo. Sidoo kale Wasiirka ayaa soo jeediyey talooyin ku wajahan dowrka wadamada Carabta ee ku aaddan sida Soomaaliya u gacan siin lahaayeen dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Sidoo kale, intii kulanku socay ayaa Wasiirka Maaliyadda Somalia wuxuu kulamo Gooni-gooni  ah la yeeshey dhamaan hay'adaha Maaliyada Carabta ee ka soo qayb galay shirkaan iyo Wasiiradda Maaliyadda boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Kuwait waxayna ka wada hadleen xiriirka dhaqaalle ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa maal-gashi dhax-mara labada wadan. Sidoo kale Wasiirku wuxuu la kulmay boqorka dalka Bahrain Amiir Hamdi Binu Ciisaa Aala khaliifa, wuxuuna siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya ayiga oo ka wada hadlay xiriirki dhaqaalle ee labada wadan.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay gudomiyaha sanduuqa Sacuudiga iyo kan lacagta carabta, waxayna aad ooga wada hadleen sidii Soomaaliya looga kaalmeen lahaa dhanka dhaqaallaha, Maalgashiga iyo Sidii looga cafin lahaa deynta ku raagtay.

Ugu dambeyn, Shirka oo socday muddo labo maalmood ah ayaa Gaba-gabadii kulanka waxaa aad loogu soo dhaweeyey horumarka ay dowladda Soomaaliya ay ka samaysay dhanka maamul wanaaga maaliyadda, iyo isla xisaabtanka, taas oo dhiiri galin karta in dalku helo kaalmooyin wax ku ool ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya