4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2016
Magaalada Minneapolis oo ugu deeqday Qalab Magaalada Boosaaso ee Soomaaliya (DAAWO)

Jimco, Abriil 08, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Lixaad ee Minneapolis, Cabdi Warsame ayaa shalay hor-geeyay Golaha Deegaanka Minneapolis, qorshe ahaa gaadiid iyo qalab amaan oo loogu deeqayo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Cabdi Warsame oo la hadlayay xildhabaanada guddiga is-kaashiga dowladaha (IGR Committee), ayaa Sharraxay farriinta ay deeqdaani dirayso xilli Muslimiinta Mareykanka ay Dareensan yihiin in la beegsanayo.

“Waxaanu maraynaa xilli Warbaahinta Waddankan ay saaran yihiin hadallada ku dhisan nacaybka oo aan laga gabbanayn in la af-lagaadeeyo muslimiinta iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay,” ayuu yiri Cabdi Warsame, oo intaas ku daray. “Maanta Minneapolis waxay haysataa fursad ay ku beeniso war-xumo-tashiilkaas, isla markaasna ay gacan u fidiso magaalada aynu mataanaha nahay ee Boosaaso.”

Sidoo kale, Deeqdan maanta la ansixiyay ayaa ka kooban laba qaybood. Kuwaas oo isugu jira qayb gaadiidka dab-damiska ah iyo qaybta kale oo ah qalab loogu talo-galay in lagu qalabeeyo xarun dambi-baaris ah (Crime Lab) oo ay dhawaan iska kaashanayaan maamulada Minneapolis iyo Boosaaso. Qalabkaan ayaa isugu jiro agabka dambi-baarista dhinancyadeeda kala duwan sida faraha, rasaasta iyo tiknolojiyadda casri ah oo lugu baaro dambiyada.

Cabdiqudus Doonyaale oo ah - la Taliye sare Degmadda Lixaad ee Minneapolis ayaa noo sharaxay qalabka la ogolaaday shalay waxay ka kooban yihiin:

1. Fire fighter truck #71450;
2. Fire fighter truck #71440;
3. Rescue Spreader HURST ML-32
3. Express van #75533;
4. Power Head HURST JL-4GH with Honda motor
5. Public/life safety equipment to the City of Bosaso, Somalia

Dhanka kale, Madaxa Ururka Dhalinyaradda ee KAJOOG, Maxamed Faarax oo Goobta ku sugnaa ayaa isna yiri. “Waa guul horumar ah oo ay gaartay Dowladda Hoose ee Boosaaso, iyadoo wax badan ka faa’iidi doonta qalabkan.”

Sannadkii 2014-kii ayaa la meel-mariyey qaraar lagu mataanaynaayo Boosaaso iyo Minneapolis. Xafiiska degmada lixaad ee Minneapolis, ayaa sannadkii 2015-kii gaarsiiyay deeqdii u horreyse Boosaaso oo ka koobnayd 50,000 oo buugaag.

Ugu dambeyn, Deeqdan waa tii ugu horreysay oo magaalo Mareykanka ku taalla ugu deeqdo magaalo ku taalla Somalia. Dhanka kalena Sanadkii 2015-kii waxaa la mataameeyay Magaalooyinka St Paul, Minnesota iyo Magaalada Jabuuti oo ah xarunta dalka Djibouti.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA