4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2016
Nairobi: Bangiga Chase Bank oo Albaabada Laisugu Dhuftay

Qaar ka mid ah macaamiisha bangigaa oo ku hungoobay laamihii bangiga oo la xiray iyo weliba ATM-yadii
Jimco, Abriil 8 (HOL)-Shalay galinkii dambe ayaa weerar uu kusoo qaaday baanka dhexe ee Kenya waxaa uu albaabada isugu dhuftay ama xiray bangiga Chase Bank kadib markii lacago balaayiin shilinka Kenya ah la waayay lana sheegay in madaxda sare ee bangigaasi ay lunsadeen.

Macaamiil fara badan oo Soomaali ay kujireen ayaa lacagahoodii halkaa ku waayay kadib markii qalabka ATM-ka ah ee bangigaasi la xiray. Waxaa bangiga yimid dad badan oo koontooyin kulahaa oo koontooyinkii laga xiray dabeedna awoodi waayay inay lacagahoodii kala soo baxaan.

Si kastaba ha ahaatee, mar sii horeysay ayaa boqolaal malyan ay la baxeen dad ka cabsi qabay arintaa oo si halhaleel ah ula baxay lacagihii halkaa u yaalay. Agaasimaha baanka ayaa la sheegay in boqolkiiba 25 lacagaha dadku ay dhigteen baankaa uu si wax isdaba marin ah uqaatay ayadoon wax shardi ah lagu xirin.

Bangigaan ayaa ah kii saddexaad ee la xiro gudaha Kenya muddo bilo gudahood ah kadib markii lacago badan la waayay oo baankaa yaalay meel ay ka baxeen lacagaahisi. Bangiyadaa la xiray ee Chase Bank uu u dambeeyay ayaa waxaa kujiray Dubai Bank sidoo kale.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.