4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
Madaafiic Khasaare Nafeed Geystay oo Caawa ku dhacay Degmooyinka Xamar-jajab iyo Waaberi


Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday, halka 12-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, kadib hoobiyeyaal fiidnimadii Caawa ku dhacay Xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda deqeyntan, ayaa haddana waxaa lagu soo beegay xilli habeen ah, iyadoo madaafiicdan oo illaa lix xabo ahaa ay qaarkood ku dhaceen Agagaarka Iskoolka Raage Ugaas oo u dhexeeya Xamar-jajab iyo Waaberi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydadka afar qof oo shacab ahaa iyo dhaawaca tobaneeyo kale, waxaana duqeymahan ay imaanayaan xilli maalmo ka hor hoobiyeyaal lala beegsaday Madaxtooyada Somalia ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley, kuwaasoo khasaare geystay.

Dadkii dhaawacmay, ayaa waxaa loola cararay isbitaallada Muqdisho, iyadoo uu Argagax weyn uu lasoo darsay shacabka ku noolaa xaafadaha ay hoobiyeyaashu ku dhaceen caawa, iyadoo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ay gaareen degmooyinkaas.

Sidoo kale, Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo isna goor dambe la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in la qabtay kooxihii caawa Goobiyeyaasha ku duqeeyay degmooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab.

"Ciidanka booliiska Muqdisho waxay ku guuleysteen inay qabtaan qaar ka mid ah kooxihii duqeynta geystay caawa iyo gaarigii ay wateen, inkastoo naloo sheegay inay jiraan Qaar ka mid ahaa oo dhaawacyo qaba oo baxsaday," ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarro duqeymo ah oo tan iyo billowgii sannadkaan lagu jiro lagu soo weeraray Muqdisho, gaar ahaan madaxtooyada Somalia, balse ku dhacay xaafado ku dhow, geystayna khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya