4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
Dadkii ku Geeriyooday Daadadkii DILA oo AAS Qaran loo sameeyay iyo Madax ka Qayb-gashay


Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) — Waxay ahayd xilli galab ah markii roobku ka bilawday degmada Dilla ee gobolka Awdal oo dhinaca bari ka xigta magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, xilli billowga Roobabka gu’ga ay si aad ah u wada-sugayeen shacabka ku nool gobolka gobolka Awal.

Roobabka curtay, ayaa waxay kusoo beegmeen xilli abaaro ku dhufteen Gobolka Awdal, kuwaasoo galaafatay nolosha xoolo badan iyo shacab reer guuraa ahi ay u geeriyoodeen gaajo iyo harraadka.

Sidoo kale, Roobkii ka daaay degmada Dilla ayaa socday ku dhawaad Shan saac oo xiriir ah. Dadka ku nool deegaankaas ayaa sheegay in roobkii Dilla ka da’ayna aanu horay uga di'in degmadaas. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Roobkan uu sababay khasaare hantiyeed iyo dhimashada shan qof, kuwaasoo uu la tagay daadkii kusoo rogmaday degmaaas, iyadoo ay xusid mudan tahay in sababta ugu weyn ee keentay in Dilla ay Daadadku Qaadanna ay ahayd fatahaan balliyadii ku yaalla deegaankaas oo iyagu ku yaalla magaalada dhinaceeda, kaasoo si toos ah ugu beegan magaalada Dilla.

Waxaa kaloo, Roobabkii Dill aka da’ay ay keeneen biyo aad u badan, kuwaasoo ceelashii deegaanka ay xamili waayeen biyaha, taasna ay keentay in biyuhu ay ooda jabsadeen, ayna tani ahayd sababtii khasaarahan nafta iyo maalka ah keentay.

Dhanka kale, Fatahaadahan ayaa qaaday Guryo iyo goobo ganacsi xilliga ay kusoo aadday Fatahaadduna waxa ahayd xillli habeen, Waxaana dadka qaarkii ay ay fuuleen Geedihii ka ag-dhawaa.

Ugu dambeyntii, Shantii ruux ayaa ku geeriyooday daadadkan waxaana dhaawac uu kasoo gaaray sagaal ruux oo kale, kuwaasoo lasoo badbaadiyay, iyadoo Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Dadkii geeriyooday degmada Dilla, kaasoo ay kasoo Qayb-galeen Mas’uuliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsan iyo Dadwayne kale oo aad u fara badan.

Nuux Kadiye
Magaalada Boorama