4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
SAWIRRO: Shirkada KIMS oo Maanta Maal-gelin u sameysay Dhallinyaro ku Guulaystay Tartan

Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) — Kulan Shirkadda Kaah Ismlamic Micro-finance ay ku maal-gelinaysay shan ruux oo dhallinyarro ah oo ku guulaystay tartan loo qabtay, ayaa lagu qabtay maanta Magaalada Muqdisho

Mas’uuliyiinta Shirkadda KIMS ayaa sheegay in Tartankaan uu ahaa mid Ganacsi oo gaar ah u ah shirkadda KIMS plus, isla markaana ay ay ka qaybgaleen 39-qof oo dhallinyaro ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, iyadoo ay kasoo baxeen 20 ka mid ah dhallinyaradaas, oo qaatay tababar socday muddo laba bilood ah.

Sidoo kale, mas’uuliyiintu waxay xuseen in tababarku la xiriiray maamulka iyo maaraynta ganacsiga oo ujeeddadiisuna ahayd in laga taageero dhallinyarada si ay ugu guulaystaan ka midho-dhalinta fikradooda ganacsi.

Tababarkan ayaa waxaa bixisay hay’ada Shaqo-doon oo ah mid waddani ah oo ka shaqeysa dhiirri-gelinta dhallinyarada Soomaaliyeed; Sida ganacsi abuurka, Tababarrada iyo shaqo u raadinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Siddeed dhallinyaro ah ayay mas’uuliyiinta KIMS sheegeen in ay dhamaysteen Tababarka, kuwaasoo soo gudbiyay Qorshahooda ku aaddanaa ganacsiga, iyadoo loo qabtay xaflad ay dhallinyaradu kusoo bandhigeen fikraddooda ganacsi, taasoo ay qiimaynayeen guddi gaar ah oo ka socday KIMS oo khirad u leh suuqayada ganacsiga, si ay u kala saaraan fikradaha ganacsi ee suuqyada ka shaqayn kara iyo kuwa kale.

Guddigii loo xil-saaray inay kala saaraan dhallinyaradan, ayaa kasoo xulay Shan ka mid ah dhallinyarada oo badankood ku cusub ganacsiga, doonayana hadda in ay billaabaan ganacsi cusub oo faa’ido u leh waddanka.

Munaasabad Shantaan dhallinyarada ah lagu guddoonsiiyay maal-gashiga ayaa waxaa lagu qabtay hoteelka Saxafi ee Muqisho, taasoo ay ka Qayb-galeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socda Rugta Ganacsiga iyo ururada bulshada rayid ah.

“Mashruucan waa mid gaar ah oo lagu maal-gelinayo dhallinyarada doonaya inay abuuraan ganacsi heer dhexe ah. Barnaamijkan oo la magac baxay KIMS plus wuxuu muhiimad gaar ah siinayaa inay baayac-mushtarka cusub helaan fursad maal-gelineed oo deyn ah si ay ugu abuuraan ganacsiyo cusub ama u horumariyaan baayac-mushtarkii horay u jiray" ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay KIMS.

Shirkada KIMS plus ayaa ka hawl-gasha laamana ku leh magaalooyin ku yaalla; Puntland, Somaliland, Jubbaland, Bartamaha & Koonfurta dalka iyadoo xiriir iskaashi oo dhaw la leh hay’adda Shaqo-doon.

Ugu dambeyn, Shirkadda ayaa mudadii ay jirtay maal-gelinno dhaqaale siisay kumaannaan dhallinyaro ah, iyadoo Shirkadu ay bixiso Maal-gelin shareecada ISLAAMKA ku saleysan oo oo xalaal ah, si loo daboolo baahiyaha dhaqaale ee ay qabto bulshada Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya