4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda XFS oo Maanta gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan


Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) — Wafdi ka socda dowladda Federaalka Somalia oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Xukuumadda Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] iyo Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Maanta gaaray Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan.

Garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte waxaa ku soo dhaweeyay wafdiga maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyaga oo markii danbana kulamo la qaatay mas'uuliyiinta maamulka degmada Buula-burte oo sidda la sheegay ay ka wadda-hadlleen arrimo la xiriira dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

Siddoo kale, qorshaha socdaalka xubnaha ka tirsan gollaha xukuumadda ayaa lagu sheegay in dhagax-dhigayaan xarunta cusub ee maamulka labada gobol, madaama degmada Buula-burte lagu magacaabay xarunta dowlad gobolleedka Hiiraan & Sh/dhexe.

Inkastoo, Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli ku hawlan tahay Qorshaha Maamulka loogu dhisayo labadan gobol, ayaa haddana dhinaca kale waxaa wali taagan is-mari-waaga siyaasadeed ee ka dhashay habka dhismaha maamulka oo ay ku gacan-seyreen qaar ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhawaan si Rasmi ah Beledweyne uga furay shirweyne dib-u-hishiisiin ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo Arrintaan ku saabsan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhowr mar u tagay Beledweyne, ayaa wuxuu ku guul-darreystay inuu  ku Qanciyo Duubabka ugu waa-weyn Gobolka ka qayb-galka Shirka Jowhar oo wali dhanna an looga dhaqaaqin..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya