4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
Gabar Soomaaliyeed oo Indho-shareer iyo Xijaab Xiran oo Magaalada London lagu Afla-gaadeeyay


Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) — Muuqaal naxdin leh ayaa waxaa laga duubay Nin af-la-gaadeeyay haweeney Soomaaliyeed oo ku sugnayd dukaan ku yaalla Galbeedka Magaalada London ee xarunta dalka Britain.

Sidoo kale, Muuqaalkaan - ayaa muujinayay ninkan oo cay iyo erayo Afla-gaaddo ah isugu daraya Gabadhaas Soomaaliyeed ee Xijaabneyd, iyadoo Muuqaalkaan uu ku baahay baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Gabadha falkan foosha xun la kulantay oo 25-jir ah oo laguna Magacaabo Axlaam Saciid, ayaa waxay ku labisnayd xijaab iyo niqaab ama indha-shareer, xilli ay dukaanka ninkan uu ku afla-gaadeeyay ka iibsanaysay waxyaabo macmacaan ah.

Axlaam Siciid oo wareysi siinaysay BBC-da ayaa sheegtay in ninkan oo ah cadaan uu isku dayay inuu gacan u qaado, balse uu dukaanka soo galay wiil Soomaali ah oo ka difaacay in ninkan uu gacan u geysto.

“Ninkan wuxuu igu yiri – erayo afla-gaado oo ku saabsan qaabka aan u labisnaa Xijaab iyo Niqaabka. Waxaana muddo aamusnaan ahayd kaddib ku iri iska aamus, laakiinse wuxuu sii watay afla-gaadadiisii,” ayay tiri Axlaam oo xustay in erayadii uu ninkan ku yiri ay ka mid ahaayeen; In haweenka xijaabka wata ay taageeraan ISIS iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah.

Dhanka kale, Gabadha Soomaaliyeed ayaa sheegtay in hadalladii uu kula hadlay Ninkan ay ka mid yihiin; In Niqaabka ama Indho-shareerku uusan Wanaagsanayn, In Niqaabku yahay maasgaro iyo erayo kale oo aan fiicnayn.

“Wiilkii Soomaaliyeed ee i difaacayay, wuxuu ku yiri – ma Ninkeeda ayaad tahay, maxaad u difaacaysaa. isaguna wuxuu ugu jawaabay inaan saygeeda noqdo daruuri ma ahan ee iska daa gabadha,” ayay hadalkeeda raacisay Axlaam.

Gabadhaan Soomaaliyeed ee Afla-gaadda la kulantay ayaa waxay sheegtay in intii dooddu socotay ay ka qaadaysay muuqaal, laakiin uu mar dambe arkay, Wuxuuna igu yiri bay tiri – waxaad rabo duub, anniguna waxaan u sheegay inaan baraha bulshada ku faafin doonno.

Ugu dambeyntii, Wargeysyada kasoo baxa Britain ayaa si aad ah Arrintaan wax uga qoray, iyagoo warbixinnadooda ku sheegay in afla-gaaddo loo geystay haweeney muslimad ah oo xijaaban.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya