4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
Safiirka dalka Imaaraadka Carabta ee Somalia oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo [SAWIRRO]


Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland Mudane Max'ed Warsame Darwiish iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga ayaa imaatinka kadib waxaa la geeyay guriga Martida oo ku yaal nawaaxiga dekedda Kismaayo, halkaasoo uu kulan kula qaatay madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam.

Kulanka oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxaa arimihii laga wada hadlay warbaahinta u aqriyay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland Max'ed Warsame Darwiish.

Mudane Darwiish ayaa sheegay in wafdigu la kulmay guddi ka socda dowladda Jubaland oo uu hogaaminayo madaxweeynaha Jubaland, ayna ka wada hadleen arimo ay ugu muhiimsantahay abaarta ku dhufatay deegaanada Jubaland.

Masuulkan ayaa sheegay in sidoo kale madaxdu ka wada hadleen dhameystirka mashaariic horumarineed oo horey madaxweeynaha Jubaland u wada sixiixdeen dowladda Imaaraadka, kuwaa oo uu sheegay in dhawaan la ambaqaadi doono.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh dowlad goboleedka Jubaland, ayagoo hore ugu deeqday maamulka gaadiid dagaal, waxaana jiray marar badan oo ay magaalada Kismaayo soo gaarsiiyeen gargaar bini'aadanimo.

Xasan Nuur, Hiiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.