4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
Madaxweynaha Puntland oo Tababar u soo xiray Ilaalada Madaxtooyada P/L (CODKA+SAWIRRO)

Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Tabbabar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo muddo dhawr bilood ah Tababbarro ku soo kala qaatay Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Xafladda tababbarka loogu soo xiray ciidamadan, ayaa waxaa ka qayb-galay taliyaha guud ee ciidanka daraawiishta Puntland, Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada, Col. C/rashiid Maxamuud Ashkir (Qodhob), Saraakiil sar-sare iyo Madaxweynaha Puntland.

DHAGEYSO: Codka Madaxweynaha Puntland uu ka jeediyay xirtaanka Tababarka;

C/weli  Gaas ayaa ugu horreyn ciidanka la hadalay ku amaanay saraakiisha ciidamada Da-daalkii ay u galeen tayaynta iyo qalabaynta ciidamadda Puntland, isagoo intaas ku daray in Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Shaqadoodu aysan ku  koobnayn ilaalinta Madaxtooyada oo keliya balse  qayb ka qaataan hawl-gallada deg-deg ah.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa ciidamada tababbarka loosoo xiray kula dar-daarmay in looga baahan yahay in ay mar walba ka duwanaadaan ciidamada kale, maadama ay joogaan muraayaddii dalka oo ah halka laga qiimaynayo tayada ciidanka Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya