4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
SAWIRRO: Dowladda FS oo Heshiis Deyn-cafin ah la gashay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF


Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia Maxamed Aadan Ibraahim “Farkeeti” iyo wafti uu Hor-kacayo ayaa magaalada Nairobi kulan socday 30-kii Maarso illaa 05-tii Abriil ee sanadkan la yeeshay wafdi ka socday Hay'adda Lacagta Dunida Adduunka ee (IMF).

Rogerio Zandamela oo hoggaaminayay Wafdiga IMF-ta ayaa soo dhaweeyay Horumarrada maamulka maaliyadda ee dowladda Somalia ay ku talaabsatay muddooyinkii u dabmeeyay.

“Tan iyo Sannadkii 2012-kii, Dowladda Soomaaliya waxay ku talaabsatay horumar wax ku ool ah oo ku aadan dib-u-dhiska Hay’adaha dhaqaale ee Soomaaliya iyo dib-u soo celinta adeegyada dowladeed. Inkastoo horumarkaan baaxad leh la gaaray, hadana amniga dalka wali waxaa ka jira caqabado, sidaas daraadeed hay’adaha dowladda waxay u baahan yihiin dib-u-habayn baaxad leh, si loo joogteeyo dib-u-dhiska Somalia waa in la helaa taageero horumarineed oo joogto ah,” ayuu yiri Zandamela.

Georgio Zandamela ayaa ku daray. “Inkastoo ay xaalado adag Somalia ka jiraan, Haddana dadaalka DFS waa mid mira-dhalaya. Horumarka dhaqaalaha 2015-tii waxaa lagu qiyaasay 3.7%, halka sicir-bararka isagana 1% lagu qiyaasay. Si kasta oo ay tahayba dhibaatooyinka dagaalladu keeneen ayaa wali caqabad ku ah kor u qaadista dakhliga soo gala dowladda iyo gaarsiinta dadka adeegyada dowladda.”

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aden Ibraahim [Farkeeti] oo isagan hadlay ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay la tacaalida dhammaan dhibaatooyinka dalka ka jira ayna xaqiiijinayso dadaalka loogu jiro huf-naanta maamulka iyo maaliyadda ee dalka, xoojinta adeegyada maaliyadeed iyo dib-u-noolaynta nidaam maaliyadeed oo isla xisaabtan ku dhisan.

“Si dadaalka dowladda ay waddo loo dhiirri-geliyo, dowladdu waxay heshiis deyn cafin ah la gashay hay’adda IMF, kaasoo ka billaami doona May 2016-ka. Heshiiskaan oo fulintiisa looga baahan yahay dowladda Somalia wuxuu horseed u noqon karaa in deynta dalka lagu leeyahay oo gaaraysa 5.4 Billion oo doollar, qaarkeed laga cafiyo,” ayuu yiri Wasiirka.

Heshiisku, waxuu dhinaca kale diiradda saarayaa xoojinta siyaasadaha kor u qaadidda Hab-sami u socodka maamulka maaliyadda Soomaaliya, xoojita hay’adaha dowladda, kaabidda horumarka hay’adaha dhaqaalaha ee dalka wax ka qabashada lacagta shillin Soomaaliga oo duqoowday, xoojinta awoodda Bankiga Dhexe oo uu ku yeelan karo ilaalinta Xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay ee dalka.

Sidoo kale, Fulinta Heshiiskaan ayaa Somalia u saamaxaya in ay hesho taageero dhaqaale iyo maalgalin heer caalami ah. Wuxuuna u horseedayaa inay heshiisyo laba-geesood ah oo Somalia la gasho waddamada deeq-bixiyayaasha caalamka. Shirka ayaa sidoo kale diirada lagu saarayey sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay wuxuuna gogol-xaar u ahaa shir 12-ka Abriil ka dhacaya magaaladda Washington ee dalka Maraykanka, kaasoo dhex-mari doono hay’ada caalamiga ah ee sanduuqa dhaqaalaha Adduunka iyo DF Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka mahad-celinayso heshiiskan oo ku qotoma bilawgii dayn cafinta Somalia ee ay la gashay IMF, taas oo ku dhiiri-gelinaysa dalalka deeq-bixiyayaasha ah iyo hay’adaha dhaqaalaha ee caalamka inay garab-is-taageen Soomaaliya si loo xaqiijiyo yididdiilada dalka uu ugu jiro Hanashada hawlaha Qaran.

Hoose ka eeg War-saxaafadeedka ay soo saartay Hay'ada lacagta Adduunka ee IMF;  http://www.imf.org/external/np/sec/pr/2016/pr16158.htm

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya