4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
Shacabka Xaafadda Islii oo Walaac ka Muujiyay saameynta roobabku ay ku yeeshaan wadooyinka


Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL)-Ayadoo baryahaanba ay roobab ka da'ayeen xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Eastleigh ee magaalada Nairobi Kenya ayaa shacabka ku dhaqan xaafadu waxay ka cabanayaan isla markaana walaac ka muujinayaan jidadkeeda oo noqda dhiiqo miiran xilligaan oo kale.

 

 Waddooyinka ayaa xilli roobeedka noqda  wasaq miiraan oo waxaa adkaata in la maro arintaan oo loo sababeeyay in inta badan wadooyinka ku yaala xafadani ay yihiin kuwo aad u burbursan isla markaana qashin badan.

 

Qaar ka mid ah dadweynaha iyo ganacsatada ku dhaqan xaafadan ayaa arrintani dareenkooda ka muujiyay iyagoo ku baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka ay wadooyinka xaafadda kala kulmaan xilli roobeedka.

 

Si kastaba ha ahaatee, xafada Eastleigh ee Nairobi ayaa caan ku ah ganacsiga ayadoo looga soo dukaameysi tago bariga iyo bartamaha Afrika.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.