4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
Shan qof oo ku Geeriyooday Daad ku Rogmaday Degmada Dila oo ka tirsan Gobolka Awdal ee SL


Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) — Illaa Shan qof ayaa ku geeriyooday, Tobaneeyo kalena daadka ayaa la tagay kaddib markii shalay ay kusoo Rogmadeen daadad degmadda Dilla ee gobolka Awdal.

Afartii maalmood ee u dambeeyey ayaa gobolka Awdal roobab aan kala qaadin habeen iyo maalinba ka da’ayeen, taas oo keentay inay daad badan ku soo rogmadaan magaalooyinka qaar.

Magaaladda Dila ayaa la sheegayaa in daad ku soo rogmaday ay ku dileen shan qof isagoo burburiyey hoteel ku yaalay oo wakhtigaasi laga cuntaynayey, waxa kale oo la sheegay in tobaneeya qof la waayey, inkastoo baadi doon dheer ka dib intooddii badnayd lagu guulaystay in la helo.

Goob joogayaal aanu saaka la xidhiidhnay oo ku sugnaa magaaladda Dila ayaa sheegay in ilaa hadda la hubo shan qof inay ku geeriyoodeen, kuwaas oo maantaba lagu aasayo magaaladda, halka ilaa tobeenayo qof oo meelo kala duwana ku qaatay, inkastoo intooddii badnayd la helay.

Si kastaba ha ahaatee, roobab aan kala joogsi lahayn ayaa guud ahaan goboladda Awdal iyo Gabiley ka da’aayey maalmihii u dambeeyey, taas oo halis galin karta dadkii abaaruhu saameeyeen oo markii horaba awood ay iskaga xejiyaan aan lahayn.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland